Wafdi Balaaran Oo Ka Socda Dowladda Itoobiya Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdi ka socda dowladda Itoobiya ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, iyagoo horjogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskmabooni kala hadlaya muranka ku saabsan shirka Dib u heshiisiinta Jubooyinka ee dowladda ku baaqday inuu Muqdisho ka dhacayo 21-ka bishan.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa ku cadaadin doona horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Mdoobe inuu aqbalo in shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ay ka qeyb galaan, kadib markii ay diideen.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu kormeerayo in uu dhaqan galay heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku kala saxiixdeen.

Doraad ayay ahayd markii ay tageen magaalada Kismaayo wafdi ka koobnaa safiirka Itoobiya ee dalka Kenya, taliyaha Ciidamada Kenya, iyo saraakiil Itoobiyaan ah, iyagoo u sheegay horjoogeyaasha Raakambooni in ay dib ugu soo laaban doonaan magalada sadex maalmood ka dib.

Waxaa illaa hadda La ogeen in wafdiga ka socda Itoobiya inay imaanayaan magaalada Muqdisho iyo in kale, hase ahaatee booqashada ay ku tagayaan Kismaayo ayaa ku soo aaday, xilli horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay qaadaceen inay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee Muqdisho ka dhacaya.

Mid ka mid ah qodobadi heshiiskii Addis Ababa ayaa dhigayay in shir dib u heshiisiin lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasoo la isugu keenayo dhamaan dhinacyada ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka ee isku diidan siyaasada iyo maamulka deegaanadaas, si heshiis loo kala dhex dhigo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubooyinka ayaa ku eedeeyay horjooge Axmed Madoobe inuu balanta ka baxay, isla markaana uu jebiyay qodob ka mid ah heshiiskii Addis Ababa.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali wax war ah ka soo bixin diidmada Maamulka Axmed Madoobe ee shirka dib u heshiisiinta Muqdisho, inkastoo shirkan oo horay loo iclaamiyay inuu dhaco 5-ta bishan dib loo dhigay, lana qabanayo 21-ka bishan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com