Dagaalo Xalay Ka Kala Dhacay Kismaayo, Qooqaani Iyo Afmadow.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Falaagada Al Shabaab ayaa oo xalay weeraray deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose oo ay ka mid tahay magaalada Kismaayo .

Kooxda Al Shabaab waxa ay weerar madaafiic ku garaaceen Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamada ilaalada Garoonka ay iska difaaceen dhankooda weerarkaasi.

Sidoo kale degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadyo kadib markii falaagada Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen deegaanadaasi.

Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo Labada dhinac ee dagaalamay kasoo saareen dagaalka dhexmaray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com