Ciidamada Dawlada Talyaaniga Oo Badbaadiyey Tahriibayaal Badda Ku Cadilnaa

0

talyaanigaRoma(AGGM) Saraakisha ciidamadda Badda dawlada Talyaniga ayaa shaaca ka qaaday inay soo badbaadiyeen in ka badan 450 ruux oo Tahriibayaal ah kuwaasi oo ay u badan yihiin Soomaali,waxaana Badbaadiintani imaanaysaa xilli saacadiihi la soo dhaafay qaylo dhaan baahsan ka soo yeereysay Tahriibayaasha oo saarnaa 3 doonyood isla markaasna ku god’oosanaa badweynta u dhexeysa Libiya iyo Talyaaniga.

Saraakisha Ciidamada badda dalka Talyaaniga ayaa hadda warkaasi daaha ka qaaday isla markaasha shaacka rogay inay soo badbaadiyeen tahriibayaal saarnaa 3 doonyood,waxaana saraakishu sheegeen in tahriibayaashaasi isugu jiraa Soomaali, Ereteriyaan & Ghana,waxaana ay sheegeen inay tahriibayaasha ay ku jiraan caaruur.

24 Saac ee la soo dhaafay bay ahayd markii tahribyaashu ay qayo dhaan u soo dirsadene ciidamada badda dalka Talyaaniga isla markaasna ay ka codsadeen in la badaadiyo,waxaana ciidamada dalwad atlayanigu ka bixiyeen jawaab deg deg ah oo ay dadkaas ku badbaadinayaan iyagoo ku guuleystrey inay dadkaasi badbadiyaan.

Tahriibyaashan ayaa hadda lagu soo wadaa Jasiiradda Lampedusa oo hoy u ah Tahriibayaasha ,waxaana la sheegaya inay halkaasi ku diyaar yihiin kooxaha caafimaadka iyo gurmadka deg deg ah oo gargaar caafimaad u fidinaya dadkaasi qaarkood oo la sheegayo inay xanuunsanayaan isla markaasna lagu wado in isbitaalo la dhigo.

Ugu dambeyntii waxaa talaabadan imaanaysaa xilli ay dhawaan badda u dhexeysa liibiya iyo talyanig dad gaaraya 500 oo ruux kuwaasi oo la sheegay inaysan ku jirin wax soomaali ahi balse ay u badnayeen ereteriyaan & Wadamo kale oo afrikaan ah kuwaasi oo la xaqiijiyey geeridooda in ka badan 230 ruux iyadoo qaarkood aan la hayn raq iyo ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com