Waqooyi Bari Dalka Kiiniya: Gabar 13-Sano Jir Ah Oo La Kufsaday Ka Dibna La Gubay

0

garissa-downtown1Gaarisa(AGGM) Duleedka Magaalada Balanbal ee Waqooyi barri Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan islamarkaana murugo fara badan ku reebtay Dadka Degaanka ka gadaal markii Gabar Da’deeda lagu sheegay 13 Jir lagu  Kufsaday Degmada Balanbal islamarkaana la gubay. Waxaana Degmada Balanbal ku taala gudaha dalka kiiniya gaar ahaan nawaaxiga Magaalada Gaarisa .

Maamo Qadiijo Diiriye Dhicis oo ka mid ah Ehelada Gabadha ayaa sheegtay in Gabadheeda ay Xoolo u raacday Duleedka Magaalada Balanbal islamarkaan ay in muddo ah la’eeyd waxaana ay xustay in ay maqashay in Gabadheeda la kufsaday hadana la gubay.

 Maamo Qadiijo Diiriye Dhicis oo hadalkeeda sii wata ayaa waxaa ay intaasi ku dartay in Meydka Gabadha ay u qaadeen Isbitaal ku yaala Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya baaris kadibna la ogaaday in Gabadha la Kufsday kadibna la gubay hase ahaatee Maama Qadiijo ayaa tilmaamtay in aysan garaneyn cida dhacdan foosha xun ku sameeyay Gabdhaeeda.

 “Gabadheyda waxa ay Xoolo u raacday Duleedka Degmada Balanbal. 8 Maalmo ayaan la’aa Gabadha, intaasi kadib waxaan maqlay in Gabadha la Kufsaday misa la gubay mana garanayo sababta keentay arrinkan Naxdinta leh” Maama Qadiijo ayaa sidaasi tiri.

 Qadiijo Diiriye Dhicis, waa Eedada gabadhasida xun loo galay la hadashay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa ay sheegtay in arinkan ay noqotay mid ku soo noq noqatay Dleedka Degmada Balanbal ee Waqooyi bari dalka kiiniya .Maamada oo la hadleysa BBC-da ayaa tiri sidan “Kadib markii la Kufsaday Gabadheyda waa la gubay anaga oo baadi goob ugu jirno ayaa noloo sheegay hilibkeeda halba meel ayaan ka soo aruurinay “.

Duleedka Magaalada Balanbal ee Waqooyi barri Dalka Kenya ayaa sidan oo kale mar aan fogeyn waxaa lagu gowracay Gabar yar oo iyana aheyd Xoolo raac taasi oo aan la sheegin in la Kufsaday kadib la gowracay.

Ugu dambeyn Ciidamada amaanka ee Booliska Dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan arintan iyadoona la tilmaamay in ay jiraan Dad iyagu Shufto ah kuwaasi oo looga shakisan yahay in arinkan ay ka dambeeyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com