Raisalwasaraha Liibiya Oo Xoriyadiisi Dib U Helay Ka Dib Afduubkii Saaka Loo Geystey

0

ali zeidanKismaayo(AGGM) Ra’iisul Wasaaraha Liibiya Cali Saydaani ayaa goor dhow la sii daayay, saacado kadib markii dabley hubeysan ay ka afduubteen Hotel uu ka deganaa Magaalada Tripoli ee caasimada Libiya. Telefishinka Liibiya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha la sii daayay, isla markaana uu bad qabo, iyadoo caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay.

Afhayeen u hadlay dowladda Liibiya ayaa sheegay in dowladda ay dib faah faahin uga bixin doono afduubka iyo qaabkii lagu soo daayay.Saakay aroortii ayay aheyd markii Dabley hubeysan oo xiriir fog la leh dowladda Liibiya ay ka kaxeysteen Ra’iisul Wasaaraha Hotelka uu ka deganaa magaalada Tripoli.

Dableyda Hubeysan ayaa isku magacawday howl galka kacdoonka Liibiya, waxaana ay sheegeen in xarigooda ka dambeeyay amar ka soo baxay Wasaarada Cadaalada iyo Maxkamada sare oo horay ugu jartay warqad lagu soo xirayo. Laakiin Wasiirka Cadaalada iyo xeer ilaaliyaha Maxkamada ayaa beeniyay wararka sheegaya in warqad ay u soo jareen, iyadoo loo cuskanayo eedo dhinaca maaliyada, waxaana ay tilmaameen in aanay jirin wax warqad ah oo ay soo saareen.

Ugu dambeyntii Afduubkan ayaa imaanaya iyadoo Kooxaha hubeysan ee Libiya ay ka caroodeen howl galkii Mareykanka ay sabtidii ka sameeyeen Tripoli, kaasoo ay ku soo qabteen hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qaacida, kaasoo magaciisa lagu sheegay Abuu Anas Al-Libi.

Isha Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com