Fadeexad:Maleeshiyada Raaskambooni Oo Labo Ka Mid Ahaa Maleeshiyadooda Ku Tilmaamay Ciidamado Ka Soo Goostay Col. Bare Hiiraale.

0

OLYMPUS DIGITAL CAMERAKismaayo (AGGM): Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa shalay waxay warbaahinta u soo bandhigeen shan nin oo ay sheegeen inay laba ka soo goosteen Ciidamada Col. Bare Hiiraale Iyo halka sadexna ay ka soo goosteen Falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab.

Shanta nin ee la soo qabtay ayay Horjoogeyaashu ku sheegeen in labo ay ka tirsanayeen ciidanka Col. Barre Hiiraale, xagga saddexda kalan ay sheegeen ka tirsanayeen maleeshiyada Al-shabaab.

Warbaahinta Allgalgaduud Media oo baaritaan ku sameeysay warka ka soo yeeray horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa naloo xaqiijiyay in dhamaan shanta nin ee ay shalay soo bandhigeen maleeshiyo beeleedka Raskambooni ay ahaayeen kuwo ka tirsanaa isla maleeshiyadaas.

Goobjooge ku sugan gudaha magaalada Kismaaayo ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay “Adeeroow nimanka la soo bandhigay waxaanu ka argnay webside-yada saakay, laba ka mid ahna waa ragg si wanaagsan magaalada Kismaayo looga yaqaan halka  sadexda kalena yihiin kooxdii ONLF-ta ee garab siinayay Raaskambooni, marka haku daalina warkaas” waa sida uu hadalka u dhigay goobjoogaha ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

Goobjoogaha oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa kale oo uu sheegay in labada nin ee macawiista xiran ay yihiin niman laga yaqaano magaalada Kismaayo kana tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, halka sadexda kalena uu sheegay inay yihiin kuwo ka tirsan Jabhada ONLF maadaama aysanba aqoon dadka deegaanka.

Maleeshiyada Raaskambooni ayaa hadda waxa ay marayaan heer ay maleeshiyadoodi ku tilmaamaan inay yihiin Rag ka soo goostay Col. Bare Hiiraale.

Isku soo wada duuboo waxaa dhawaan la filaya in la soo afjaro humbuq humbuq-da maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo kooxaha yar ee taageera.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Maxaabiis Macawiista Ay Xiran Yihiin La Feereeyay, Arrintaas Xabsiga Kismaayo Iyo Raaskambooni Uunbaa Lagu Arkay….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com