Isbahaysiyaddii Ka Samaysmey Kismaayo Oo Dagaalkii Koowaad Maanta Dhaliyey

0

353Kismaayo(AGGM)Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta weerar kala kulmey ciidamo kale oo si uun maamul uga tirsan balse markaasina wax halwgal ah aan ku jirin , waxaana ciidamadda nabad sugida laga diley hal askari, mid kalana waa laga dhaawacay.

Arrintani waxa ay xiriir toos ah la leedahay isbahaysiyo siyaasadeed oo aan dhawaan sheegney in magaalada ay ka abuurmeen.

Ciidamada wax weeraray ayaa taabacsan hogaamiye ka tirsanaan jirey maamulkii uu waqtigiisa dhamaaday, kaasi oo aan ku xusney warbixinteenii hore.

Ciidamada amaanka loo xilsaaray in ay sugaan oo rogaal celin samayn lahaa ayaa waxaa is hortaagay mas’uuliyiinta maamulka, xaaladda waa la qaboojiyey hadda.

Maalmahan waxaa socdey qorshe ciidamada magaalada looga saarayo, islamarkaasina lagu sugayo ammaanka magaalada kadib falal badan oo ka dhacay.

Dad badan oo ka rajo beeley in ay maamulka lasoo dhisi doono kusoo baxaan, balse ciidamo iyo saameyn leh, horeyna xilal usoo qabtay ayaa magaalada gudaheeda ka maleegaya falal kuwan oo kale ah.

Maamulka haatan magaalada ka jira ayaa ah mid ka kooban labbo nin oo kaliya, iyada oo inta soo hartayna uu nin kasta wax ka rajo qabo, ayna jiraan kuwa keeb la yuurur ah oo haddii ay wax waayaan fowdo kicin diyaar u ah.

Xigasho: KismaayoNews.com