Dhageyso: Cabdi Shire Warsame Oo Ka Hadlay Arrimaha Jubooyinka & Shirka Muqdisho

0

UnknownMuqdisho(AGGM) Dr Cabdi Shire Warsame oo ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolladda Jubooyinka iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Cabdi Baaleey,Xildhibaan Maxamed Aamiin & Iftiin Xasan Baasto ayaa maanta kulan muhiim ah oo ay ku qabteen Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaga hadlay Shirka Muqdisho ka furmaya dhawaan.

Masuuliyiintan gebi ahaantooda bay eedeyn kulul u jeediyeen Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni Axmed Madoobe isla markaas ku tilmaameen nin nabad ka dhalata goboladda Jubooyinka ka soo horjeeda isla markaasna ku mashquulsan sidii u shacabka goboladda Jubooyinka degaanadooda uga barakicin lahaa.

Dhamaan xubnaha waxay ka wada hadleen xaalada gobolaldda Jubooyinka iyo shirka ka dhacaya Magaalada Muqdisho kaasi oo loogu tallo galay inuu qabsoomo 21 bisha lagu jiro,waxaana ay sheegeen inay tix gelinayaan heshiiskii dhawaan ka dhacay Addis Ababa isla markaasna aysan iyagu ka qayb galin balse hadda kan doonayaan inay ka qayb galaan.

Sidoo kale waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan cid kasta oo doonaysa inay wax ka qabato xasiilooni darrada ka jirta gobollada Jubooyinka,waxaana ay shaaciyeen in loo baahan yahay in la garab istaago nabadda iyo horumarka isla markaasna la ilaaliyo xaquuqda shacabka soomaaliyeed,waxaana sidoo kale Cabdi shire shaaciyey in Ciidamada Kiiniya oo garabsiinayaan Maleeshiyaadka Raaskambooni ay kismaayo ku dileen  in ka badan 250 ruux kuwaasi oo qaarkood hantidoodi la dhacay.

Ugu dambeyntii Masuuliyiintan oo misaan culus ku leh arrimaha Jubooyinka ayaa daaha ka qaaday inay doonayaan in xal kama dambeys ah loo helo arrimaha ka taagan gobolladda Jubooyinka oo ay ku tilmaameen inay qabsadeen dadka aan u dhalan soomaaliya isla markaasna laga soo waariday degaanada Gaarisa Gubaay & Kilinka 5-aad.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-CABDI-SHIRE.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com