Alshabaab Oo Digniin U Jeediyey Dadka Dhuxusha Ka Dhoofiya Dekedda Kismaayo

0

dhuxusha111Kismaayo(AGGM)Xarakada Al-Shabaab ayaa cunaqabateyn dhinaca dhoofinta dhuxusha ku soo rogtay Dekeda magaalada Kismaayo, iyadoo howlihii Dekeda ay xilligan hakad ku jirto, maadaama la galay Bad xiran. Ganacsatada dhoofisa dhuxusha ayaa lagu soo rogay amar ah in aanay wax dhuxul ah ka dhoofin karin Dekeda Kismaayo, taasoo ah mid xayiraad dhaqaale lagu saarayo Maamulka Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya oo la sheegay in bilihii u dambeeyay dhaqaale ka soo galayay dhoofinta dhuxusha.

Al-Shabaab oo maamusha inta badan Gobolada Jubooyinka ayaa mamnuucay in la jaro dhirta, iyadoo uga digtay Ganacsatada in hadii ay aragto gawaari sida dhuxul ay gubayaan. Qaar ka mid ah Ganacsatada Dhuxusha oo la kulmay saraakiisha Al-Shabaab ayaa u sheegay warbhaahinta maxaliga in Al-Shabaab ku wargeliyeen in aanay dhuxul ka dhoofin karin Dekeda Kismaayo.

Ganacsatada ayaa sheegay in aanay wax dhaqaale ah siin karin shaqaalaha, maxaa yeelay Al-Shabaab ayaa mamnuucay dhoofinta dhuxusha, iyadoo Maamulka gacanta ku haya Dekeda Kenysa uu sheegay in aanay Al-Shabaab ku soo rogi karin Dekeda Kismaayo cunaqabateyn Maamulka Axmed Madoobe.Qaramada Midoobey ayaa horay ugu eedeysay Maamulka Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya inay ku howlan yihiin dhoofinta dhuxusha oo horay u mamnuucday Golaha Ammaanka.

Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa xilligii ay maamulayeen magaalada Kismaayo dhaqaale fara badan ka soo geli jiray dhuxusha, iyadoo dhowr mar dhuxul laga dhoofiyay Dekeda Kismaayo, degmada Baraawe oo ay maamulaan Al-Shabaab ayaa aheyd meesha labaad ee dhuxusha laga dhoofin jiray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com