Ra’iisul Wasaare Saacid Oo U Hambalyeeyay Uganda 51-guurada Ka Soo Wareegtay Maalinta Xorriyadda Ay Qaateen.

0

SaacidMuqdisho (AGGM): Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hambalyo ku aaddan 51-guurada ka soo wareegatay markii uu xorriyadda qaatay dalka Uganda waxa uu u diray shacabka iyo dowladda Uganda.

Raysul wasaare Saacid ayaa war qoraal ah ku ammaanay taageerada dowladda Uganda iyo shacabkeeda ay la garab taagan yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa shacabka Uganda iyo dowladdooda dabbaal-degga maalintan weyn, waxaana uga mahad-celineynaa sida ay uga go’an tahay inay nabad iyo xasillooni ka dhaliyaan Soomaaliya,” ayuu yiri raysul wasaare Shirdoon.

Dowladda Soomaaliya waxay aqoonsan tahay taageerada Uganda ay u fidisay shacabka Soomaalida. Uganda waxay ahayd dowladdii ugu horreysay oo ciidamo ku biirisa howlgalka AMISOM si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ee dalka ku sugan, warka qoraalka ayaa lagu yiri.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com