Madaxweyne Obama Oo U Hanjabay Falaagada Argagixisada Ah Ee Alshabaab.

0

Obama speaks about the sequester in WashingtonWashington DC (AGGM): Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa Sheegay in dawladiisu ay si gaar ah indhaha ugu heynayso ururada iyo shaqsiyaadka Al-Qacida xiriirka la leh ee Africa ku sugan .

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku difaacayay weeraradii ciidamada Maraykanku dhawaan ka fuliyay dalalka Soomaaliya iyo Libya , kuwaas oo uu sheegay inay ku baacsaneeyn hogaamiyaal Mitidiin ah.

Obama wuxuu sheegay Sheegay in weeraradii ka dhacay degmada Baraawe ee koofurta Soomaaliya iyo magaalada Tripoli ee Caasimada wadanka Libya aysan noqon doonin kuwii ugu dambeeyay hase ahaatee ay joogto ku noqon doonaan weerarada lagu bartilmaamaysanayo hogaamiyaasha Al-Qacidada Africa.

“Meel walba oo ay Africa ka joogaan oo ay ka howl galaan waan ku bartilmaamaysan doonaa waana ku weeraraynaa” ayuu yiri Barack Obama M/weynaha Maraykanka.

Weerarkii lagu qabtay Abu Anas Al-Libi ayuu sheegay inuu guulaystay isla markaana hogaamiyahaan Al-Qacida ka tirsan ay cadaalada hor geyn doonaan sida uu tilmaamay

Ciidamada Maraykanka ee Navy Seal ayaa weerar ay ku qaadeen guri ku yaala xeebta Baraawe Wuxuu ku dhamaday Fashil inkastoo Hogaamiyaal Ajaanib Shabaab ah ay ku jiraal lagu dilay .

Shabaab ayaa tilmaamay inay ka feejigan yihiin Weerar kasto oo kaga yimaada dhanka dowladaha taageera Somalia iyo duqeymaha xilliyada qaar loo geysto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com