Dowladda Mareykanka Oo Shaki Gelisay Doorka Ciidamada Kenya Ee Somaliya Jooga.

0

top-newsWashington DC (AGGM): Masuul ka tirsan dowlada Mareykanka iyo laba nin oo ka socda koox khuburo ah oo qaabilsan talo soo jeedinta, ayaa shalay oo Talaado aheyd mar ay ka hadlayeen Golaha Senate Mareykanka waxay su’aal ka keeneen doorka Kenya ay ku leedahay arrimaha Somalia.

Nancy Lindborg oo ah kaaliyaha madaxa hay’ada Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ee USAID ayaa sheegtay in dardargelinta howlgalada ciidamada Kenya ee dhinaca amniga ee ay ka wadaan koonfurta Somalia , gaar ahaan Kismaayo, ay keeni karto culeys iyo xiisad ka dhalata dadka shacabka ah.

“Somalida waxay muujiyeen shakiga weyn oo ay ka qabaan joogitaanka ciidamada Kenya ee koonfurta Somalia,” ayuu yiri EJ Hogendoorn, oo ah siyaasad-gorfeeye ka tirsan kooxda xalinta khilaafaadka caalamiga ee ICG.

Waxa uu tilmaamay eedeynta Q.M ee ah in saraakiisha militariga Kenya uu dhaqaale ka soo galo ganacsiga sida dhuxusha sharci-darada ee laga dhoofiyo Kismaayo.

“Somalida inteeda badan waxay aaminsan yihiin in waxa ay Kenya ay u doonayso inay maamusho koonfurta Somalia inay tahay shidaalka iyo gaaska dabiicifa ee ku jira dhulkaasi,” sidaasi waxaa guddiga xiriirka dibadda ee Senate-ka Mareykanka u sheegay Mr Hogendoorn.

Abdi Aynte, oo ah agaasimaha machadka Heritage ee daraasaadka siyaasada ee fadhigiisu yahay Muqdishu, ayaa isna sheegay in “Mareykanka uu wajib ka saaran yahay in Kenya iyo Ethiopia-ba uu cadaadis ku saaro inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha siyaasada gudaha ee Somalia.”

“Faragelintooda aan la iska hubin waxay xasilooni daro kale ku keenaysaa dalka iyo in fashil ku yimaada guulaha la gaaray,” ayuu Aynte ka digay, isagoo intaa ku daray. “Faragelinta waxaa ka dhalanaya kooxo mintidiin ah iyo kala qeybsan ku yimaada bulshada Somalida,”

Linda Thomas-Greenfield, oo waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika iyo Amanda Dory, oo ah sarkaalad xafiiska Pentagon-ka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa sidoo kale iyana la hadlay senators-ka, iyagoo ayiday siyaasada Mareykanka ee arrimaha Somalia.

Ms Thomas-Greenfield waxay sheegtay in ciidamada AMISOM ee Mareykanku uu maaligeliyey ay ka adkaadeen Al-Shabaab dagaalo badan oo ay la galeen.

“Sidaas darteed, kooxdan Somalia degan ee xiriirka la leh Al-Qaacida weli waxay khatar muuqata ku yihiin bariga Afrika,”ayey hadalkeeda raacisay iyadoo soo xiganaysa weerarkii Westage. “Al-Shabaab waa in la hakiyaa,”

Iyadoo ka jawaabaysay suáalo kulul oo ka imaanayey Senator John McCain ayaa Ms Dory waxay diiday inay ka hadasho weerarkii Marykanka uu dhowaan ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Baraawe oo ah magaalo-xeebeed ku taala koonfura Somalia. Waxay u sheegtay musharaxii hore ee madaxtinnimada ee Xisbiga Jamhuuriga inaysan habooneyn in kulankan looga doodo howlgalo militari.

Hase ahaatee Senator McCain ayaa ka jawaabay hadalkaasi oo yiri “Xaqiiqda waxay tahay in weerarkaasi uu ahaa guuldaro” waayo buu yiri ciidamada Mareykanka Navy SEALs ma aysan soo qaban ninkii Somali-Kenyan-ka ee bartilmaameedku ahaa.

Andre Le Sage, oo ah cilmi-baare ka tirsan jaamacada difaaca qaranka Mareykanka, ayaa hadalka McCain ku daray in Mareykanka inuu sii wado taageerada uu siinayo Kenya iyo wadamada kale ee ku yaala bariga Afrika ee u nugul weerar kaga yimaada dhinaca Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ay isbaheyga leeyihiin sida Al-Hijra.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com