Danjiraha AU Ee Soomaaliya Oo Hambalyo U Diray Dowladda Dalka Uganda.

0

Mahamat-Saleh-AnnadifMuqdisho (AGGM): Wakiilka gaar ah ee midowgga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahamet Saleh Annadif ayaa dowladda Uganda ugu hambalyeeyay sanad-guurada 51-aad ee ka soo wareegatay markii ay ka xorowday gumeystihii Ingiriiska.

Annadif ayaa xusay in ay Uganda gacan ka geysatay dadaallada nabadda ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), isagoo xusay inay tahay dowladdii ugu horreysay ee ciidankeeda u soo dirtay Soomaaliya, si looga guuleysto Al-Shabaab.

Wakiilka ayaa intaa ku darray in uu uga mahad celinayo Uganda geesinnimada ciidamadeeda muujiyeen si loogu guuleysto howlgalka nabadda loogu raadinayo Soomaliya.

Wuxuu sheegay in munaasabadaha xorriyadda dalalka Afrika ee sanadkan ay macno weyn u leedahay Midowga Afrika, xilli ay qaaraddu u dabbaal-degeyso 50 guuradii kasoo wareegatay markii la aasaasay Midowga Afrika 25-kii May ee sanadkii 1963-kii.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com