War Deg Deg Ah: Awlibaax Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Hadda Muqdisho Kagana Hadlay…. (Sawiro)

0

20131009_030016Muqdisho(AGGM)Hogaamiyaha Culima’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibaax oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladaha Jubbooyinka iyo Qarax ka dhacay gudaha degmada Baladxaawo  xalay.

Ugu horayn ayuu Tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay maqaaxi ku taala degmada Baladxaawo kaasoo ay ku dhinteen labo ka tirsan Ciidanka Ururka Ahlusunna Waljamaaca xili ay ku sugnaayeen goob  Maqaaxi ah tiro kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

“Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay Qaraxii shalay ka dhacay degmada Baladxaawo kaasoo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen iyo labo ka tirsan Ciidanka Ahlusunna oo ku geeriyooday” ayuu yiri Sheekh Awlibaax.

Sheekh maxamed Yuusuf Awlibaax ayaa ku eedeyay masuuliyada Qaraxaasi Kooxda Al-shabaab wuxuna sheegay inay socdaan baaritaano dheraad ah oo ku aadan sidii ay wax u dhaceen, isagoona intaasi raaciyay Ciidamadda Ahlusunna iyo kuwa Dowlada inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid walba oo lagu helo inay ku lugleedahay Qaraxaasi.

Dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku gaareen Maamulka Jubba iyo dowladda Federalka Soomaaliya, isagoona tibaaxay dhinacyadii heshiiskaasi wada gaaray in laga doonayo si buuxda inay u fuliyaan heshiiskaasi.

“Qodobada Heshiiska waxaa kamid ahaa kow in dib u heshiisiinta in la iskugu imaado Muqdisho oo dowladda Federaalka dhigto gogosha shacabkiina waxay u diyaarsanyihiin gaar ahan kuwii khilaafku u dhexeeyay dagaalkuna dhex maray in shir la qabto dib u heshiisiin ah Muqdisho ayayna joogaan, Axmed Madoobe wuxuu sheegay inaysan Muqdisho imaanayn anaguna waxaan kamid nahay Jubbooyinkii waxaana u nimid in shirka Muqdisho hirgalo oo dhaco ayaguna waa inay yimaadaan baan leenahay” ayuu yiri Awlibaax, isagoona intaasi ku daray hadalkiisa shirka Muqdisho ka dhici doona wajigiisa labaad inuu ka dhaco gobolka Gedo sababtoo ah Kismaayo ammaan maahan waqtiga hadda lagu jiro sidaasi waxaa sheegay Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibaax oo maanta Saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho.

Wuxuu xusay Sheekh Awlibaax gobolka Gedo intaasi badan inuu yahay nabad isla markaana aysan jirin cid xiligani cabsi ka qabta inaan shirwayne dib u heshiisiineed lagu qaban Karin aysan jirin.

“Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb qaadano shir walba oo xal loogu helayo mushkiladaha Jubbooyinka si dadku u helaan xal, balse marna ma yeelanayo in dadka Jubbooyinka ay ku jiraan colaad mudo ku siman labaatan sano iyo ka badan”.

Awlibaax ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay dib u heshiisiin wuxuuna hoosta ka xariiqay hadii aan la helin dib u heshiisin inay sii socon doonaan waxyaabaha imika ka taagan deeganada Jubbooyinka sida uu hadalka u dhigay.

“Ummado markay heshiiso waa in la dhisaa Xukuumadda iyo gollaha baarlamanka Jubbaland balse hadii aysan dhicin dib u heshiisiin ma filayo in intaasi la heli doono, intaasi oo dhana waxaa ka horeeya Heshiis iyo iyo is afgarad”.

Ugu danbayn Sheekh maxamed Yuusuf Awlibaax ayaa ku ammaanay dowladdaha IGAD doorkii ay ka qaataan arimaha Jubbooyinka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna ka dalbaday dowladda dhexe ee Soomaaliya inay ku casuumto shirka ay qabanayso dowladaasi si ay taladooda u dhiibtaan maadaama sida uu sheegay mudo badan ay kusoo jireen arimaha maamul u samaynta deeganada Jubbooyinka.

Axmednuur Maxamed

Axmednuur59@gmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

20131009_03001620131009_02590420131009_03001620131009_030016