Munaasabad Lagu Tageerayey Raisalwasaare Shirdoon Oo Ka Dhacay Stockholm (Sawiro)

0

104Stockholm(AGGM) Xaflad lagu maamuusayey sanadguurada koowaad markii  Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan Sh. Maxamuud  uu xilka R/wasaaha jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)  u magacaabay ayaa  lagu qabtay magaalada Stockholm ee Xarunta Dalka Sweden.

Xafladan oo aheyd casho sharaf ayaa waxaa soo abaabulay ururka haweenka ee Xaawo Taako waxaana kala soo qeybgalay dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Stockholm iyo  nawaaxigeeda, iyada oo hoolka xaflda casho sharafta lagu hardhay sawirada Madaxda Qaranka,  isla markaana lagu daawaday filim docomentry ah oo ku saabsana waxqabadka Xukuumada mudada sanadka aheyd.

Marwo Sahra Barqadle Gudoomiyaha ururka Xawo Taako oo goobta ka hadashay ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeedisay guud ahaan Madaxda Qaranka Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ku amaantay, daacadnimada, kalsoonida iyo wada shaqeynta hagar la’aaneed iyo khilaaf la’aaneed mudadii sanadka aheyd oo ay Xukuumada Saacad Shaqeneysay.

Xubno isugu jiray Aqoon yahano,  Haween, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo goobta ka hadlay ayaa R/wasaaraha ku amaantay Doorka Hooyada iyo dhalaanka gaar ahaana hirgalinta mashaariicda waxbarashada iyo caafimaadka, dib u hishiisinta iyo soo nooleynta nabaddii iyo  kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa sidoo kale aad loogu amaanay Xukuumada adkeynta xiriirka caalamiga ah.

La taliyaha Arimaha bulshada ee Xafiiska R/wasaaraha Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) oo kulanka khudbad dheer ka jeediyey  ayaa waxa uu goobta ku soo bandhigay waxqabadka R/wasaare Saacid iyo Xukuumada uu madaxda u yahay gaar ahaan wax ka qabashada arimaha nabadgalyada, dib u shisiinta, fulinta mahsaariic dhowr ah, jabinta nidaamkii foosha xumaa ee 4.5 iyo in uu haweenka Soomaaliyeed door muuqda ka siiyey talada dalka. waxa uuna R/wasaaruhu ku sifeeyey halyeey wadani ah oo aan habeenkii seexan illaa uu ka hubsado in  shacabka meel ay joogaanba in ay nabad ku seexdeen, isaga  oo guulo taariikhi ahaa ku tilmaamay in dhamaan gobalada iyo degmooyinka xurta in uu socdaal lug ah ku soo maray.

Ugu Dambeyntii R/wasaaraha jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo qadka telfoonka xaflada uga soo qeybgalay ayaa si weyn ugu mahadceliyey dhamaan ka qeybgalayaasha xaflada iyo haweenkii soo qaban qaabiyey, waxa uuna warbixin ka bixiyey guulihii la gaaray mudadii sanadka aheyd iyo howlaha culus ee sugaya  xukuumadiisa, waxa uuna ku celceliyey qurb joogta in ay yihiin xoog muuqda oo loo baahan yahay in ay door ka qaataan dib u dhiska dalka, gaar ahaan  waxa uu si weyn u amaanay reer Sweden.

Guud ahaan xafladii xalay ee lagu qabtay hoolka xafladaha ee Juba ee magaalada Stockholm, ayaa waxa ay ku soo idlaatay jawi aad u wanaagsan iyada oo goobtana lagu soo bandhigay suugaanta noocyadeeda kala duwan.

78117133213 2131044958