Dhageyso: Tarsan Oo Sheegay In Degmooyinka Muqdisho Qaar Laga Jecel Yahay Al-Shabaab

0

tarzan-iibsaday-bacallahaMuqdisho(AGGM) Gudoomiyaha Gobolka Banadir ayaa shaaciyey inay jiraan degmooyinka Muqdisho qaar laga jecel yahay Alshabaab,waxaana uu sheegay in degmooyinkaasi ay doonayaan inay Shabaab soo dhaweyaan isla markaasna ay dhibaato u horseedaan,waxaana uu daboolka ka qaaday inay jiraan sidoo kale Degmooyin laga neceb yahay Alshabaab isla markaasna aysan soo gali karin.

Sidoo kale waxaa uu shaaciyey inay jiraan rag shabaabku ka keeneen meelo kale isla markaasna Magaalada Muqdisho oo aysan aqoon buuxda u lahayn la keenay,waxaana uu ku tilmaamay inay iska dhigaan reer Magaal isla markaas xirtaan surwaalo ku dhegen,waxana uu sheegay in la iska ilaaliyo cid kasta oo ku cusub degmooyinkaasi.

Ugu dambeyntii Tarsan waxaa uu daboolka ka qaaday in Degmada Hawlwadaag si adag ula dagaalanto Alshabaab isla markaasna ay iska dhiciyaan oo aysan Shabaab degmadaasi wax dhibaato ah ka geysan karin,waxaana uu sheegay in degmada Hawlwadaag maalmaha soo socda la gaarsiin doono Korontadda cadceedda ku shaqeysa.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGESYO-GUDDOOMIYAHA-GOBALKA-BANAADIR-TARSAN.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com