Dhageyso: Wasiiradda Arrimaha Dibedda Oo Ka Warbixineysa Safarkeeda Kanada & Arrimo Badan

0

u_112771d_2013-10-6-11-35-39f_fowzia2 Ottowa(AGGM)  Raisalwasaaraha ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiiradda arrimaha dibedda Soomaliya Marwo Foosiya Xaaji Aadan oo maalmihi la soo dhaafay ku sugnayd Wadanka Canada ayaa warbaahin laga leeyahay Jamhuuriyada Somaliland ee Hadhwanaag siisay warbixino xasaasi ah kaasi oo looga hadlayo xaalada dalka soomaaliya sii wax badan looga qaban lahaa,waxaana ay sheegtey in dawlado badan balan qaadeen dib u dhiska Soomaaliya..

Sidoo kale waxaa wasiiradda arrimaha dibedda soomaaliya shaacisay inay kulanka ay madaxda dalka Canada la yeelatey looga hadlay sidii dalka soomaaliya looga taageeri laha dhinaca ciidamada & la dagaalanka Burcad badeeda,waxaana ay sheegtey inay sidoo kale shacabka dalka Canada oo tiro badan isla markaasna dhaqaale badan haysata ay ku buurisay inay maal gashadaan dhulka soomaaliyeed.

Waxaa kale oo ay ka hadashay weerarkii West Gate waxaana ay shaacisay in Alshabaab iska sheegtaan wax kasta oo dhaca isla markaasna aysan ku haqo lahayn,waxaana ay sheegteyn inay weerarkaasi fuliyeen koox ay hogaaminaysay haweenay u dhalatay dalka Canada.

Ugu dambeyntii waxay Wasiiradu ka hadashay xiriirka ka dhexeya dawladaha Somaliland & Soomaaliya,waxaana ay sheegtey in xirirka labada dal ay ahay mid wanaagsan,waxaana shaacisay inay wali harsan yihiin heshiisyo dhexmaraya dawlada soomaaliya iyo dawlada Somaliland,waxaana daboolka ka qaaday in Maamulista hawada heshiis ay labada dal ku gaareen.

Halkan Ka Dhageyso:

Fowzia1

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com