Anas Al-Libi Oo Kamandoos-Ka Mareykanku Gacanta Ku Dhigeen,Kana Mid Ahaa Raggii Tanzania & Kenya…

0

al-lipiTripoli(AGGM)Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa shalay oo Sabti aheyd howl galo ku qaaday Afrika, si ay u soo qabtaan Hogaamiyeyaal islaamiyiin ahaa oo ku jira liiska Argagixisada. Kumandoska Mareykanka ayaa Libiya ku qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Qaacida oo loo heysto weeraradii bambaano ee 1998-dii lagu qaaday Safaaradaha Mareykanka ku lahaa Tanzania iyo Kenya.

Ninkan oo lagu magacaabo Anas al-libi ayaa lagu qabtay caasimada Tripoli, iyadoo ninkan uu ka mid ahaa liiska dadka ay doon dooneyso FBI-da Mareykanka. Sidoo kale howl gal kale oo bartilmaameedkiisa ahaa Sarkaal ka tirsan Shabaab ayaa ka dhacay Koofurta Soomaaliya, hase ahaatee waxaa uu u muuqdaa inuu fashilmay.

Sarkaalka ka tirsan Shabaab ee bartilmaameedka howl galak Baraawe uu ahaa ayaan la sheegin, waxaana looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii Westgate ee caasimada Kenya ka dhacay, kaasoo ay ku dhinteen 67-qof. Anas al-libi ayaa waxaa madaxiisa saarnaa 5-milyan oo doolar, aroornimadii sabtidii ayaa isaga oo gaarigiisa dhiganayay banaanka hore ee gurigiisa oo ku yaal Tripoli ay qabteen niman hubeysan oo saddex gaari watay, waxaana ka hor inta aysan qaban ay ka qaadeen qori uu watay.

Nin la dhashay al-libi oo lagu magacaabo Nabih ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in xaaskiisa ay arkeysay marka la afduubanayay seygeeda, waxaana nimanka hubeysan ay u ahaayeen dad ajnabi ah oo u muuqdan inay Kumandos ahaayeen. Howl galkan ayaa la fuliyay, iyadoo lala socodsiisay dowladda Libiya sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay CNN.

Afhayeen u hadlay Pentagonka oo lagu magacaabo George Little ayaa sheegay in al-Libi ay ciidamada Milateriga Mareykanka ku hayaan meel ka baxsan Libiya. Ninkan oo 49-jir ahaa ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa maskaxdii ka dmabeysay weeraradii 1998-dii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ku lahaa Kenya iyo Tanzania, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 220 ruux.

Ugu dambeyntii Anas Libi ayaa magaciisa dhabta ah uu yahay Nazih Abdul-Hamed al-Ruqai, waxaana uu ka mid ahaa dadka ku jira liiska FBi-da mareykanka, waxaana madaxiisa saarnaa 5-milyan doolar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com