War Deg Deg Ah: Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Abaanduulaha Ciidamada Xooga Oo Ka Dagay Magaalada Kismaayo.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhawayd ay garoonka diyaaradaha magaaladaasi ka dageen Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Fiqi iyo Abaanduulaha Ciidamada Xooga Gen. Cabbrisaaq Khaliif Cilmi.

Waxaan la ogeeyn ilaa hadda safarkan aan horey loo shaacin ee Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaliyeed ku tageen magaalada Kismaayo iyo ujeedkiisa.

Waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta guud ee magaalada Kismaayo marka laga reebo kuwo si gaar ah loo leeyahay.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay soo martay marxalado kala duwan balse mida hadda ka taagan ayaa waxaa la oran karaa waa midii abid ugu xumeeyd ee dadka reer Kismaayo arkeen.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com