Labaatan Iyo Labo Sano Kadib Magaalada Muqdisho Oo Laga Hirgaliyay Samaafareyaasha Baabuurta Haga.

0

stop1Muqdisho (AGGM): Mudo 22 Sano ah kadib aayaa magaalada Muqdisho waxaa laga hirgaliyay Samaafarayaasha Baabuurta haga, waxaana arintaan hirgaliyay Maamulka Gobolka Banaadir oo had jeer ku dadala dib usoo Celinta Bilicda Caasimada.

Magaalada Muqdisho, ayaa hatan waxaa si tartiib tartiib ah ugu soo laabanaya Bilicdii iyo adeegyadii Bulshada loogu adeegi jiray, waxaana haatan magaalada kasocda dib u dhiska wadooyinka waaweyn ee Halbowlaha u ah magaalada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay ugu guuleystay inuu dib u dhiso meelo badan oo qayb ka ahaaa Bilicda magaalada, sida Jardiimaka ku yaal isgoysyada magaalada, Taalooyinka iyo Iskuuladii wax barashada.

Isgoysyada Magaalada ayaa haatan waxaa ka howlgala Ciidamada Taraafikada, kuwaasoo kala haga Baabuurta, laakiin dib u howlgalinta Samaafarayaasha waxay qayb weyn ka qaadan doontaa yaranta shilalka inta badan ka dhaca magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com