Ciidamada Amaanka Ee Koonfur Africa Oo Heegan Buuxa La Galiyay Kadib Warar Ay Helleen Sirdoonka Dalkaas.

0

south african securityCape Town (AGGM): Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Africa ayaa sheegaya in ciidamada dalkaasi heegan buuxa la galliyay, kadib markii sida ay wararku sheegayaan dowladdu ka war heshay weeraro argagixiso oo lala damacsan yahay dalkaas.

Warbaahinta Koonfur Africa ayaa baahinaya in ciidamada amniga ee dalka ay indho dheer isaga eegayan weeraro laga fuliyo gudaha dalkaasi, kadib markii la sheegay in sirdoonka dalkaas uu ka war hellay calaamado muujinaya in kooxaha argagixisadu damacsan yihiin weeraro.

War ka soo baxay wasaaradda ammaanka ee dalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada amniga ee dalkaasi ay dadaal ugu jiraan sidii ay ugu hortagi lahaayeen weeraro ka dhaca dalkooda.

Dalka Koonfur Africa waxaa la sheegay inay ka mid tahay dalal dhoor ah oo ay ka mid yihiin kuwa ay ciidama ka joogan Soomaaliya inay ka cabsi ka qabaan inay guddaha dalkooda ka dhacaan weeraro la mid ah kuwii ka dhacay Nairobi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com