Afhayeenka AMISOM Oo Sheegay In Habacsanaan Dhinaca Ammniga Ah Xiligan Jirto Soomaaliya.

0

Cali-Aadam-XaamudMuqdisho (AGGM): Afhayeenka ciidamada midowgga Africa AMISOM oo wareysi siiyay qaar ka mid ah qalabka warbaahinta ayaa sheegay sheegay in habacsanaan dhinaca Amniga ah ay ka jirto Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“ Ciidamada AMISOM intii ay awoodaa wax badan ayeey ka qabteen ammniga balse waxaa loo baahanyahay in la soo kordhiyo si loo dar dar geliyo Howlaha nabad xaqiijinta ah ee ay ka wadaan Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.

Waxaa uu sheegay in ciidamada midowgga Africa AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya xili kasta ku taagan yihiin sidii ay wax badan uga qaban lahaayeen nabad-galyada guud ahaan dalka, laakiin waxaa uu sheegay afhayeen in wali xaalad aan leysku wada haleyn karin.

Hadalka afhayeenka ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay sii kordhayeen weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada iyo degmooyinka ay ka arrimiso dowladda Federaalka Somaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com