“Haddii ay ka Baxaan Heshiiskaas, Soomaaliya dambe oo aanu Shir Isugu Imanaynaa ma jirto”

0

Wasiirka-duulista-300x241Hargeysa(AGGM)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay wax shirar iyo kulamo dambe ah la geli doonin dawlada Soomaaliya haddii ay ka baxdo heshiishkii ahaa in xarunta laga maamulayo hawada Somaliland iyo Soomaaliya laga dhigo magaalada Hargaysa.

Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Cirka ee Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay Warbaahinta Allgalgaduud isaga oo jooga dalka Kuwait, waxa uu sheegay in haddii ay dhacdo in dawladda Soomaaliya ay ka baxdo heshiiskaasi in ay qaadayaan tallaabo adag oo ay arrintaasi kaga jawaabayaan.

Maxamuud Xaashi Cabdi, oo waraysigaasi aanu kala yeelanay arrimo badan oo kala duwan oo ay ka mid tahay dawladda Kuwayt oo markale Somaliland ugu deeqday shan milyan oo dollar oo loogu tallo-galay in lagu mashaariic lagu hirgelinayo balaadhinta goobaha diyaaraduhu istaagaan ee madaarka Hargeysa.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay waxay ka ogyihiin socdaalka Canada Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhiisnta ee dawlada Soomaaliya iyo arrin ku saabsan hawada Somaliland iyo Soomaaliya oo la sheegay in uu kala hadlay hay’ada ICAO, waxa uu ku jawaabay “Waanu ka war qabnaa nagamana qarsoona, waanan ognahay qorshaha uu halkaa u joogo, annaguna waanu la xidhiidhnaa hay’ada ICAO, arrintani waa wixii ugu horeeyay ee intii ay kala tagtay wixii la isku odhan jiray Soomaali, wixii aanu ku heshiino, waana arrinta keliya ee aynu maanta isku afgaranay innaga iyo walaalaheena Soomaaliya, haddii maanta taasi heshiiskeedii ay ka baxaan, Soomaali danbe oo aanu shir isugu imanaynaana ma jirto, wadahadal dambe oo ay Somaliland la sii wadaysaana ma jiro”.

“Dunidu iyada ayaa ina dhex-dhexaadinaysay Soomaaliya, oo markhaati ka ahayd heshiisyadan, waxaanay ahayd dunida lafteedu in ay iyadu, siyaasadu waa kalsoonida iyo ilaalinta amaanada waa arrin adag haddii ay manta ka baxaan heshiiskaasi, ama qaramada midoobay ha maraan ama meel kale ha soo maraan, Somaliland marna xaqeeda ka tanaasuli mayso, annaguna waxaanu qaadaynaa tallaabooyin adag, haddii ay go’aamadaa qaataan” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale waxa uu Wasiirku intasi raaciyay “Waxaa hawada Soomaaliya ay qarrammadda midoobay si rasmi ah ugu wareejinaysaa 1-da bisha koowaad ee sanadka 2014-ka, markaa wixii ka dambeeya qarrammada midoobay dib uma maamulayso hawada wixii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaanay gacantooda ku soo noqonaysaa Somaliland iyo Soomaaliya, haddii aanu wada maamuli wayno oo wixii aanu ku heshiinay la leeyahay waanu diidnay, ama qarrammadda midoobay ha ku raacaane’ waxaanu leenahay qorshe iyo nidaam aanu ku maamulanno hawadayada, waxaanay xaqiiqadu ay tahay beesha caalamkuna ay ogtahay in aanay dawladda Soomaaliya maamuli Karin hawadayada, waanay ogyihiin aan Somaliland laga xukumin Soomaaliya. annaguna waxaanu leenahay qorshe rasmi ah oo aanu ku maamulanayno hawadayada”.

Su’aal: hore waxa uu u sheegay Wasiirka Boosaha ee dawlada Soomaaliya in hawada Somaliland iyo Soomaaliyaba laga maamuli doono Muqdisho, oo ay xarunteedu noqon doonto, arrintaasi ma kala xidhiidheen masuuliyiinta dawladda Soomaaliya?

Jawaab: “Haa, waanu kala xidhiidhnay laba meeloodba waanu u marnay xidhiidhkaasi, oo xagga qaramadama midoobayna waanu kala hadalnay bal in arrintaasi la soo xaqiijiyo, xagga kalena waxay yidhaahdeen xidhiidh ayaanu la samaynay aanu leenahay, arrintii noocaa ahayd ee aynu isku ogayn, waxaa muuqata in aad ka baxdeen ee noo soo cadeeya halka aad ka taagan tihiin,arrintaa jawaabteedii aynoo soo celiyeen waxay ku yidhaahdeen waanu ka xunahay ninkaasina isaga ayaa iska yidhi, laakiin sidii aad ku ogaydeen waxba iskama bedelin, waana sida ay iyagu nagu yidhaahdeen”

“Laakiin annaga ka uu masuulka hore yidhi iyo ka uu masuulka dambe yidhiba waxaa ka muhiimsan oo aanu citiqaadsan nahay rabitaankiina ayaanu xaqiijinaynaa iyo wixii aynu ku heshiinay, markaa wax yar baana ka hadhay arrintaa xaqiijinteeda, waxaana soo dhaw wakhtigii loo balamay shirka labaad ee Ankara,markaa wax dambe oo shirar ah oo aanu isugu imanaynaa ma jiro haddii ay ka baxaan heshiiskaasi”.

Su’aal: muddane Wasiir waxaad socdaal ku joogtaa dalka Kuwait, maxay tahay u jeedada socdalkaagu?
Jawaab: “U jeedada socdaalka aan ku joogo dalka Kuwait waxa uu salka ku hayaa hawlaha ay dawladda Kuwait naga caawinaysay ee dhinacyadda dhaqaalaha iyo farsamadaba lahaa ee mashruucii madaarrada, laba arrimood ayaana ugu muhiimsan, ta koowaad oo ah in aanu qiimaynta si wada jir ah ta ay iyagu hayaan iyo ta aanu annagu hayno si wad jir ah u wada qiimayno, sida mashaariicdii ay u qabsoomeen, wixii qabsoomay iyo waxa qabyo ah, iyo arrinta labaad oo ah sidii loo fulin lahaa in aan saxeexo qaybta labaad ee mashruuca boqorka dawladda Kuwait uu noogu deeqay, oo ahayd mashruuca dhabaha diyaaradaha Hargaysa laga fulinayo”.
Su’aal: Goorma ayaa hawlahaasi mashruuca si rasmi ah loo bilaabay?

Jawaab: “Mashruuca waxaa si rasmi ah la inoo guddoonsiiyay qaybtii labaad, oo markaa uu boqorka Kuwait u soo gudbiyay hay’ada dalka Kuwait u qaabilsan mucaawimooyinka iyo mashaariicda ee Kuwait Fund, iyaga ayaana lacagtii lagu soo shubay markaa hay’ada Kuwait fund ayaanu mashruucii kala saxeexanaynay, waanan kala saxeexanay”.

Su’aal: Waa imisa cadadka lacagta ku baxaysaa?
Jawaab: “Waxaa ku baxaysa lacag dhan marka xataa lagu darro khidmada waa shan milyan oo dollar, markaa shantaasi milyan waxa inaga gu’I karaa waa khidmada dadka khubarada ah ee hay’adaasi metelaya ee inoo shaqaynaya iyagana ka wakiilka ah inta loo gartay in la siiyo ayuun baa ka go’aysa, waxa kale oo lacagtaasi ku jirta in dhabaha diyaaradaha Hargaysa dhinaca galbeedka qayb cusub lagaga darayaa, taasi oo ah 1km, waxaana lagu samaynayaa madaarka oo dhan waxa loo yaqaano AGL, madaarka dhinacyadiisa, habeenkii iyo maalintiiba waa la isticmaalayaa, labadaasi mashruuc ayaa ugu waawayn oo la fulinayaa”.

“Waxaa ku jira qorshihii hore ee dawladda Kuwait innagu caawisay 6.5km, sibidhkiina yaalo kaabadihiina la wado, waana shaqada ku dhiman qandaraaslaha, 6.5km kalena waa lagu darayaa, markii horena waxaanu ugu tallo galnay in dawlada Somaliland ay bixiso 6.5km, waanan eegaynaa arrintaasi ama dawladda ayaa gaar u bixin doonta, haddii lacagtan lafteeda wax ka soo hadhaana waa lagu samaynayaa,xukuumadda ayaana qiimaynaysa, waxaana imika la bilaabayaa daraasadii, qiimaha lacagta ku baxaysa”.

Su’aal: goorma ayaa la filayaa in lacagtu idin soo gaadho oo hawsha la bilaabo?

Jawaab: “Mar haddii aanu saxeexnay mashruucii laga bilaabo maanta, xaq ayaynu u leenahay in la innoo bilaabo shaqadii, imikana qiimayntii ayaa la samaynayaa oo khubaradii dawladda Kuwait ka wakiilka ahayd ayaa daraasadii samaynaysa, mudada daraasada la samaynayaa waxay qaadanaysaa bil in lagu dhameeyo, bisha 11-naad in la bilaabo ayaanay noqonaysaa, boqorka iyo dawlada Kuwait-na waanu uga mahad naqaynaa arrintaasi”.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in ay qorshaha ku jirto balaadhin lagu samaynayo baarkinka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa. “way ku jirtaa qorshaha balaadhin lagu samaynayo baarkinka diyaaradaha ee Hargaysa, waxaanan rejaynayaa in garoonka diyaaradaha ee Somaliland uu noqon doono garoon magac weyn ku leh geeska afrika”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com