Wasiirka Garsoorka Iyo Cadaalada Oo Maanta Kormeeray Xarunta Taliska Ciidamada Asluubta Oo Dib U Dhis Uu Ka Socdo

0

muqdish-1Muqdisho(AGGM) Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada ayaa saaka kormeeray xaruntii ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah. C/llaahi Abyan Nuur wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada oo ay wehliyaan taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaarada iyo ciidamada asluubta ayaa saaka kormeeray xaruntii taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho oo 22 sano kadib dib u dhis lagu sameynayo.

Wasiirka ayaa kusoo wareegay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi oo burbur xoogan uu soo  gaaray  balse hadda dib loo dhisayo,  waxa uuna u kuurgalay sida ay usocoto howsha dib loogu dhisayo xaruntaasi,  isagoo warbixin ka dhageystay Injineerada iyo howlwadeennada dhismaha xarunta.

Mudane Abyan Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada oo halkaasi kula hadlay Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in dib u dhiska xaruntani ay muhiimad gaar ah u leedahay habsami u socodsiinta howlaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dib loo dhisidoono dhamaan xarumihii ciidamada asluubta ee ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, wuxuuna xusay in wasaaradu ay heshiis la soo saxiixatay wasaarada Cadaalada ee Turkiga si ay qeyb uga qaataan dib u dhiska xarumaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Xarunta ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee ku taalay Ex kontrol Afgooye ayaa waxaa burbur xooggan ka soo gaaray dagaalladii dalka ka dhacay, waana markii ugu horeysay ee dib loo dhiso xaruntaasi muddo 22 sano ah kadib.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com