Dhageyso: Maxamuud Sayid Aadan Weerar Afka Ah Ku Qaaday Kooxaha Axmed Madoobe U Adeegga ”

0

Maxamuud-Sayid-Aadan-300x266Muqdisho(AGGM) Ex- Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ah masuul si weyn looga yaqaano Goboladda Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay kooxaha hoos fadhiya Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni ee sheegta inay ka soo jeedaan Beesha Sade,waxaan uu  Maxamuud Sayid Aadan Shaaca ka qaaday in kooxdaasi ay ku maxaabsato Magaca Beesha Sade isla markaasna aysan matalin beesha Sade.

Ex Xildhibaan Sayid waxaa uu shaaca ka qaaday in kooxda hoos fadhida  Axmed Madoobe ay ku magac sheegtaan Beesha Sade isla markaasna ay yihiin kuwo liita isla markaasna aan matelin beesha sade,waxaana uu sheegay in kooxdaasi tahay kood shaqo tag ah oo danahooda u jooga Magaalada Kismaayo isla markaasna aan ku shaqeyn danaha Beesha Sade.

Kooxdan Maxamuud Sayid Aadan weerrarka ku qaaday waxaa ka mid ah Maxamed Ugaas Xaashi, Yasiin Nuur Gaas & Isbatoore Fartaag oo iyagu dilaalka dhiiga shacabka Goboladda Jubooyinka hadii ay ahaan lahayeen dadka ka soo jeeda Beesha Sade & Shacabka kale ee xasuuqa lagu hayo,waxaana uu shaaca ka qaaday in kooxdaasi ay ku diirsadaan dhiiga dadka ku abtirsada beesha sade isla markaasna dabool saara dhibaatada loo geysanayo shacabkaasi.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu daboolka ka qaaday in loo baahan yahay in kooxdaas Qawlaysatada ahi ay ka tanaasuulaan dhibaatada ay beesha sade ku hayaan isla markaasna  waxgaradkooda cafis iyo raali gelin waydiistaan,waxaana uu sheegay in shirka bishan 5-teeda la qabanayo ay hogaaminayaan Waxgaradka beesha Sade uu horseed u yahay Ugaas Maxamed Ugaas Cumar & Ugaas Axmed Bare Taakooy,Waxaana uu shirkaasi ku tilmaamay mid looga hadlayo aayaha gobolada Jubooyinka.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Maxamuud-Sayid-Aadan.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com