Dagaalo Culus Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Jubada Hoose

0

ciidamada1Muqdisho(AGGM)Waxaa faah faahinno dheeraad ah uu ka soo baxayaa dagaal xalay Magaalada Kismaayo ku dhexmaray  Ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya iyo dhanka kale Xarakada Al Shabaab.

Goob Joogayaal Allgalgaduud la hadlay ayaa sheegay in saaka la arkay dad wax ku noqday dagaalkii Xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo , kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan.Waxaana ay sheegeen in khasaare lixaad leh labada dhinac soo kala gaaray iyadoo qaar ka tirsan maleeshiyaadka Raaskambooni Meykooda lagu arkay gudaha Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Sarkaal Ka tirsan Maleshiyaadka Raaskambooni ee fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo oo Allgalgaduud ay la xiriirtay ayaa xaqiijiyay in uu jiri dagaalkaasi xalay ka dhacay Kismaayo walow aanu carabaabin xadiga uu la egyahay khasaaraha ka dhashay balse illow ku dhaw dhaw Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen qaar ka tirsan maleeshiyadkaasi.

Inta badan Dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay weeraro ka geystaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Maleeshiyaad ka amar qaata horjoogaha Jabhadda Raaskambooni,waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwo khasaare badan xalay dhaliyey inkastoo aan la carab baabin inta khasaaruhu leeg yahay.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com