Beelaha Digil Iyo Mirifle Oo Hanjabaad U Diray Maamulka Puntland.

0

top-newsBaydhabo (AGGM): Waxaa si aan gambasho lahayn u bilawday is ugaarsi aan caadi ahayn, islamarkaana u dhaxeeya beelaha Majeerteen iyo Digil iyo Mirifle, iyadoona taasi laga dareemay meelaha ay kala maamulaan beelahaan.

Maamulka Puntland oo loo xagliyo Majeerteen ayaa xir xiray qaarna dilay dhalinyaro beel ahaan kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, waxaana taa ay keentay caro Aad u u xoogan.

Hase ahaatee Malaaq Sanweyne Cali oo ka mid ah waxgaradka Bay iyo Bakool ayaa sheegay in iyaguna ay ka aargudan doonaan dadka ka soo jeeda beesha Majeerteen ee ku sugan deegaanada Bay iyo Bakool, islamarkaana ay dib uga shalaayi doonaan wixii ay ka sameeyeen d.eegaanada Puntland

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa aad uga careysan dhibaatooyinka loo geesto dhalinyaradooda ka xamaasha deegaanada maamulka Puntland uu ka arimiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com