Xog: Weerarkii West Gate Oo Laga Soo Abaabulay Jasiiradda Raaskambooni.

0

sh-axmad-madoobe-iyo-alshabaab-300x200Kismaayo(AGGM) Kooxdii Argagixisada ahayd ee dhawaan weerarka culus ku qaadey Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaruntii Ganacsiga ee West Gate ayaa la sheegayaa inay labadii bilood ee ugu dambeeyey tababaro muhiim ah ku soo qaateen Jasiiradda Raaskambooni oo ku taala Gobolka Jubadda Hoose halkaasi oo uu ku sugan yahay Wadaadka Mayalka Adag Shiikh Xasan Cabdullaahi Xirsi ( Xasan Turki).

Kooxdan Argagixisada ah ayaa la sheegayaa inay isugu jireen kuwo u dhashay wadanka Soomaaliya & Kiiniya isla markaasna la barayey qaabka loo qabsado xarumaha waa weyn & sida dhismayaasha dhexdooda looga dagaalamo,waxaana dhamaantood la sheegay inay ku sugnaayeen Jasiiradda Raaskambooni Keymo hawd ah oo u dhawaa halkaasi oo ay tababaro muhiim ah ku soo qaateen.

Kooxdan waxaa ka tirsanaa Masuuliyiin hore uga tirsanaan jirey ururkii Xisbul Islaam ee uu tababaraha ka ahaan jirey Shiikh Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe) oo hadda ah Hogaanka Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni ee maamusha Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose,waxaana la aaminsan yahay inuu wax badan ka og yahay weerarkaasi.

Kooxdan Tababarka ku qaadanayey Jasiiradda Raaskambooni ayaa la shaaciyey inuu hogaan u ahaa Cumar Ama Umayr oo ah nin ka soo jeeda wadanka Kiiniya isla markaasna diinta islaamka ku biirey,waxaana uu xubin muhiim ah ka ahaa Ururkii Xisbul Islaam ee uu Tababaraha Ciidamada u ahaa Shiikh Axmed Madoobe.

Sirdoonka dawlada Kiiniya ayaa la sheegaya inay hayaan xog  buuxda oo tilmaamaysa cidda weerarkaasi masuulka ka ahayd iyo meesha laga soo abaabulay iyadoo lagu wado inay ku lug yeeshaan Masuuliyiin badan oo ka tirsan Horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni iyadoo arrintaasi loo saarayo inay wax badan ka ogaayeen.

Shiikh Xasan Cabdulaahi Xirsi ( Xasan Turki) Xilligan waa nin waayeel ah isla markaasna ku sugan Jasiiradda Raaskambooni waxaana la aaminsan yahay Weerarkaasi abaabulkiisa iyo isku duba ridkiisa wax ka ogaa isla markaasna kooxaha weerarka soo qaaday ay soo tababareen Horjoogayaasha Alshabab ee ku sugan Jasiiradda Raaskambooni.

Ugu dambeyntii dawlada Kiiniya ayaa aaminsan in weerarkaasi laga soo abaabulay Koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan jasiiradda Raaskambooni halkaasi oo ay wali ku dhumaalaysanayaan Kooxo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni oo weerarko culus kaga qaada dalka kiiniya iyagoo dhibaato ba,an ku haya shacabka aan waxba galabsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com