Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Bulshada Ku Dhaqan Gobollada Dhexe La Mideynayo.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Iyadoo bilihii ugu danbeeyayba uu socday guux la xiriira dhismaha dhismaha maamul la doonayo in ay ku midoobaan maamulada kala duwan ee ka dhisan gobollada dhexe, ayaa waxaa muuqata in arintaa ay hadda xoojineyso ama ku soo biirtay wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhowaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uu u ambabixin doono wafdi ka qeyb-qaadan doona meel marinta nidaamka federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

”Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta nidaamka federaaliisam-ka ah oo ay dowladda ku dhisan tahay, sidoo kale waxaa rabnaa in bulshada ku dhaqan gobollada dhexe sameystaan hal maamul oo mideynaya si markaa loo xoojiyo nidaamka federaalka,” ayuu yiri wasiirrka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladdu ay gacan buuxda ka geysan doonto ballaarinta dib-u-heshiisiinta gobollada dhexe ee dalka, si markaa bulshadu u gaarto rabitaankeeda ah in ay wax isku darsadaan.

Wasaarrada arrimaha gudaha gudaha ayaa ballan-qaaday, in ay dhinaceeda gacan buuxda ku siin doonto mas’uuliyiinta maamulada hadda ka jirta gobollada bartamaha Soomaaliya in ay sameystaan maamul iyaga u gaar ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com