Warbixin: Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Mugdiga Ah Ee Ciise Kaambooni?

0

Black-backgroundWarbixin (AGGM): Wareegto ka soo baxaday hooyga adeegaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Gen. Fartaag ayaa waxaa laga akhriyay idaacada Radio Kismaayo, wareegtadan ayaa waxaa ku qorneed in laga bilaabo maanta uu yahay Ciise Kaambooni madaxa ciidamada Nabadsugida Raaskambooni, islamarkaan waxii agab ah iyo ciidamadana isaga lagu wareejiyo.

Ciise Kaambooni waxa uu ka tirsanaan jirey horjoogeyaashi ururadi burburay ee Maxakamadihi Islaamiga iyo Xisbul Islaam.

Ciise Kaambooni wuxuu ahaa sarkaalkii u qaabilsanaa Xusbul Islaam ilaalada labadii nin ee Faransiiska ahaa ee ay afduubka u kala haysteen Xisbul Islam iyo Alshabaab.

Horjooge Ciise Kaambooni wuxuu ahaa ninkii la gorgortamayay, lana hadalsiiyay maxbuuskii ay haysteen Xisbul Islaam safaaradada Faransiiska ku leedahay Kenya.

Ciise Kaambooni wuxuu afduubay aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan aqoonyahano ka tirsan beesha shiikhaal, waxaa ka mid ah Dr. Xasan Maxamed Cali (Keynaan) oo ahaa madaxii UNHCR ee magaaladda Muqdishu,
isagoo afduub kaga soo kaxeystey Ceelasha biyaha, waxayna ka qaateen gaari Renault ah, Computer laptop iyo lacag gaareysa $25000.

Waxay haysteen muddo afar bilood ah isagoo dhaawac ah wax dawo ah ama daryeel caafimaadna aan la siin.

Waxay ugu dambayntii ka qaateen lacag dhan $35000 oo madax furasho ah sidaas ayuuna diktoorku ku helay xoriyaddiisii isagoo tabar daran.

Ciise Kaambooni ayaa waxaa kale oo uu ka dambeeyay dilal iyo dhaawacyo qorsheesan oo loo geystay Aqoonyahano, Saraakiil Iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed inti uu ka tirsanaa Maxakamadihi Islaamiga iyo Xisbul Islaam.

Mr. Ciise Kaambooni waxa uu ahaa ninki u qaabilsanaa in uu lacagaha uga soo qaado Xisbul Islaam dowladda Eritrea, waxa uu shaqadaas hayay ilaa ay dowladda Eritrea ka goosatay lacagtii ay siin jirtey Xisbul Islaam iyadoo markaasna u wareejisay dhanka Al Shabaab.

Ciise waxa uu ka mid yahay amaba ku qoran yahay liiska ay dowladda Mareykanka u aqoonsan tahay shaqsiyaadka nabad diidka ah qatartana ku ah geedi socodka nabada dalka Soomaaliya, waa xogta  sida ay u daabacday wargeeyska Wikileaks. halkan guji kana akhriso liiska, Halkan Guji kana akhriso.

Ciise Kaambooni waxa kale oo uu dambiyo qatar ah ka galay dowladda Itoobiya, dambiyadaas oo isugu jira dilal iyo qalqal galin amaanka guud ee dalka Itoobiya, isagoo ay maalgelinayso dowladda Eritrea isku daygiisi ugu horeeyayna waxa uu noqday in uu gudaha dalka Itoobiya ka sameeyay maleeshiyo ku fashilantay si ay dilal qorsheesan uga geeystaan dalkaasi.

Madaxa sirdoonka dalka Ethiopa Getachew Assefa ayaa ka cawday in dowlada Kenya ay dalkeeda u fasaxday in ay marin ka dhigtaan saraakiisha sirdoonka Eritrea si ay ugu talaabaan Soomaaliya oo ay gacan u siiyaan Alshabaab, waxa uu faahfaahiyey dhaqdhaqaaqa howlaha madaxa sirdoonka Eritrea Soomaaliya u qaabilsan Abraha Kassa.

Mr. Abraha Kassa , Ciise Kaambooni iyo rag kale oo ay gacansaar lahaayeen waxay ka talaabi jireen xuduuda Libooyo iyagoo isticmaala aqoonsiyo kala jaad ah, waxayna laaluush siin jireen askarta Kenya.

Horjooge Ciise Kaambooni ayaa bilihi la soo dhaafay waxa uu dadka ku nool magaalada Kismaayo ku hayay amaba maleeshiyada uu wato u geeysteen Xasuuq, Jirdil, Barakicin iyo qaraxyo maleegid iyadoo uu amaradaas toos u soo siiyo Horjooge Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo taariikhda mugdiga ah ee Ciise Kaambooni ayaa waxa ay tahay mid aan qoraal iyo hadalba lagu soo koobi karin, magacaabista ay magacaabeen Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskamboonina ee magaalada Kismaayo ayaa muujineysaa inay lamid tahay midii Maxkamadaha Islaamiga iyo Xisbul Islaam oo hoowlihi uu u qaban jiray ururo diimeedkaa mayalka adag iyo dowladda Eritrea ee labaduba weeraraka ku ah dalalka deriska ah hadda laga sugayo Ciise Kaambooni in uu fuliyo islamarkaana wanaajiyo xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com