Qarax Xalay Ka Dhacay Mid Ka Mid Ah Xeryahay Qaxootiga Dhadhabaab.

0

dhadhaabDhadhaab (AGGM): Qarax bambaano oo sababay dhaawacyada ilaa shan ruux ayaa xalay fiidkii ka dhacay xerada qaxootiga Dhagaxleey, markii kooxo hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen goob uu ka socday dhiso Iskuul.

Guddoomiyaha xeradan qarax lagu weeraray ayaa sheegayin la weeraray dhismaha iskuul laga dhisayay bartamaah xeradaas ayna ku dhaawacmeen shan ka mid ah shaqaalihii dhismahaas waday.

Kooxaha weerarka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo markii dambe ay soo gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo howl galo baaritaan ka sameeyay.

Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaanay jirin cid sheegatay, waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa weerarro dhowr ah oo lala beegsaday xeryaha qoxootiga Kenya.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegtay in ay ka danbeysan weerarka lagu qaaday xerada Dhagaxley ee gobolka W/bari kenya, laakiin marka aad eegto qaraxyada noocan oo kale ah inta badan waxaa ay ku eedeeyaan saraakiisha Kenya in ay ka danbeeyaan kooxo xiriir la leh Al-shabaab.

Xerada Dhagaxleey ayaa waxay ka mid tahay saddexda xero ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab, halkaasoo ay ku jiraan in ka badan nus-malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com