Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Doodaya In Wax Laga Badalo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.

0

baarlamaanka2_large2Muqdisho (AGGM): Xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya isbadal lagu sameeyo xeer-hoosaadka golaha baarlamaanka Soomaaliya,mudanayaasha baarlamaanka oo kulan uu xiligan uga socda xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa dood ka yeelanaya wax ka bedelka qaar ka mid ah xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Fadhiga maanta xildhibaan ayaa la sheegay in uu ajandihiisu noqon doono soo jeedin ka timid xog-haynta baarlamaanka Soomaaliya,kaa oo lagu wado in daqiiqadaha nagu soo foolka leh baarlamaanka hor aqriyo  qodobada ay u arkaan in laga doodo si  isbedel loogu sameeyo.

Qodbada lag yaabo in uu isbadalka ku dhaco ayaa waxaa ka mid ah xiliyada la soo xaadirayo kulamada baarlamaanka iyo waxa laga yeelayo mudanayaasha caadeystay ka maqnaanta badi kulamada baarlamaanka.

Marka ay soo gabagabeeyaan doodda ay arimahan ka leeyihiin mudanayaasha ayaa gudoonka baarlamaanku waxa uu cod galin doonaa arimaha lasoo jeediyey.

Maalmihii ugu danbeeyay fadhiga baarlmaanka Soomaaliya ayaa u baaqday soo xaadiris la’aanta tiradii loo baahnaa ee sharigu ahaa in uu ku furmo fadhiga, waxana marar badan oo is xig xigta guddoonka baarlamaanku digniin u dirray xildhibaannada caadeystay in ay ka maqnaadaan fadhiyada baarlamaanka oo guddoonku sheegay in ay weyn doonaan xubnimadooda baarlamaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com