Maraykanka, Ingiriiska Iyo Faransiiska Oo Qorsheynaya Inay Si Wadjir Ah U Weeraraan Saldhigyada Falaagada Al-Shabaab Ee Gudaha Soomaaliya.

0

us fra ukNairobi (AGGM): Dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiska  ayaa la sheegay in ciidamadooda ay wadaan qorshe ay isku-bahaysanayaan inay si wadjir weeraro ugu qaadi doonaan Saldhigyada ay Al-Shabaab ku leeyihiin gudaha Soomaaliya Sidaas waxaa lagu soo qoray Wargeyska The Daily Star ee ka soo baxa wadanka, sidoo kale wargeyska waxaa lagu sheegay in weerarkaas ay jawaab celin u tahay weerarkii lagu qaaday xarunta Westgate ee magalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Wargeyska wuxuu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka dalbaday xukuumadaha Washington,Baris iyo London in ay wiiqan awooda falaagada Al-shabaab, Ra’iisul wasaraha  UK, David Cameron, Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama iyo Madaxweynaha Faransiiska Fransua Oland ayaa ogolaaday dalabka ka soo yeeray madaxweynaha waxana ay sheegen in ay qaadi doonan howlgal milateri oo xadeysan waxana ay tilmaamen in ciidamadooda gaarka ah ay si wadajir ah weeraro uga fulin doonan saldhigyada falaagada Al-shabab.

Sidoo kale Wargeyska oo hadalkisa sii wata ayaa shegay in ciidamada gaarka dalka biriten ay ku sugan yihiin dalka jabuutri oo dhacda waqooyiga wadanka Somalia waxana u diyaar garoobayaan sidi ay ugu biiri lahayeen dhuulo tus ay la sameeyaan ciidamada gaarka faransiska iyo maraykanka ee wadankasi ku sugan.

Sida la wada ogsoon yahay Maraykanka dhowr jeer ayuu diyaradihisa dagaalka aan duuliyaha lahayn e uu kasoo kiciyay dalka jabuti ku dilay saraakil Al-shabab oo gudaha Somalia ku sugnaa.

Sarkaal u hadlay ciidamada Melateriga dalka Britain oo wargeysa soo xiganaya ayaa shegay inay jiraan talaaboyin badan oo la qaadayo,balse waxa uu muujiyay in ciidamada gaarka biriten ay u baahan yihiin waqti go an oo ay sirdoonkooda uga xog keeni karaan ilaha Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya iyo sidii istiraatijida lagu begsan lahaa loo dajin lahaa.

Sarkaalkasi ayaa wuxuu yiri:  “Waxaan awoodno ayaa waxay tahay in dhanka hawada aan kala socono dhaq dhaqaqyada Dagalamayasha Al-shabaab ee dhaq dhaqaqyada ka sameeya Soomaaliya,waxaan ognahay in Al-shabaab ay badalayaan takidhadooda waxay qarin doonan hubkooda iyo saraakisha ugu sareeysa xarakada balse waxa loo baahan yahay in cadaadiska lagu sii kordhiyo si loo wiiqo awoodeeda waxana lagula dagalamayaa dhaman goobaha ay kaga sugan yihiin Somalia waxana ciidamada midowga afrika ay isku balaarin doonan dhamaan dhulalka ay xiligaan gacanta ku hayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com