Dhageyso: Col Warfaa Shiikh Aadan Oo Ka Hadlay Dadka Lagu Laynayo Magaalada Kismaayo

0

Kornayl-Warfaa-Sh.-Aadan-225x145Kismaayo(AGGM) Col Warfaa Shiikh Aadan Faroole oo ka mid ah saraakisha ciidamada dawlada ee Gobolka Gedo ayaa si kulul uga hadlay dilka loo geysanayo Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegay in talaabadaasi ay wadaan Maleeshiyaadka Raaskambooni oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan axlaaq iyo edeb ciidan midna lahayn.

Col Warfaa waxaa uu daboolka ka qaaday inuu xiriir la sameeyey Hogaamiyeyaasha Jabhada Raaskambooni,waxaana uu sheegay inay qaarkood sheegeen inay arrimahaasi wax ka qabanayaan halka qaar kalena uu ku tilmaamay kuwo beeniyey dhibaatada shacabka loo geysanayo oo uu ku tilmaamay inay yihiin ragga dilka la beegsanaya dadka shacabka ah.

Col Warfaa waxa uu daboolka ka qaaday in hadii dilkaasi sii socdo uu noqon doono mid cawaaqib xumo ku reeba shacabka Degaanka Iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana uu shaaciyey inaan gacmaha laga laaban doonin isla markaasna layska dhicin doono,waxaana uu shaaciyey in loo baahan yahay in Hogaamiyeyaasha Jabhadda Raaskambooni ay dadka shacabka ah soo dhaweeyaan isla markaasna dhibaatada ka dayaan.

Ugu dambeyntii Hadalkan Col Warfaa Shiikh Aadan Faroole waxaa uu imaanaya xilli ay dhawaan Jabhadda Raaskambooni Magaalada Kismaayo ku dileen dad badan oo degaanka ka soo jeeda kuwaasi oo la sheegay inay qaarkood ahayeen ganacsato si weyn looga yaqaanay magaalada Kismaayo isla markaasna ay si bareer ah u dileen Jabhadda Raaskambooni.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-COL-WARFAA-SHEKH-AADAN.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com