Danjire Cali Ameeriko” Kenya Waan Kala Hadalnay Wal Walka Ay Qabaan Dadka Soomaaliyeed".

0

cali-ameeriko-safiirkaNairobi (AGGM): Danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga dalka kenya Max’ed Cali Ameeriko oo ka hadllayay wal walka ay qabaan dadka Soomaalida ah kadib weerarkii Westgate Mall ayaa sheegay in wax baqdin ah oo ku aadan in la dhibaateeyo dadka Soomaalida ah xiligan jirin.

Waxaa uu sheegay in uu ka mid ahaa diblumaasiyiin ka soctay qaarada Africa oo la kulantay madaxweynaha dalka Kenya ugana tacsiyeeysay wixii ka dhacay dhismaha ganacsi ee Westgate Mall, isaga oo sheegay in uu si gaar ah madaxweyne Uhuru kenyatta kala hadllay in dadka Soomaalida aan loo dhibaateyn karin arintaa iyada ah oo ay ka danbeeyeen koooxo argagixiso ah.

”Madaxweyne Uhuru Kenytta si toos ah ayaan arinta uga wada hadalnay, runtiina waa uu naga aqbalay, waxaana uu sheegay in argagixisidu sumad gaar ah laheyn, islamarkaana aan qolo gaar ah loo saarin karin,” ayuu yiri Max’ed Cali Ameeriko.

Danjiraha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya jawaab wanaagsan ka bixiyeen dhacdada, iyaga oo dhiig ugu deeqay ayuu yiri dadkii ay wax yeelladu soo gaartay.

”Shacabka waxaa ugu baaqayaa in ay sharcigooda gacanta ku heystan, kalana shaqeeyaan ciidamada nabad-galyada dalka Kenya sugida ammniga, cid kasta oo la xirinna waxaa ku war-galinay in ay laamaha ammniga ku war-galiyaan in qof ka tirsan safaarada Soomaalida loogu yeero, annigana diyaar ayaan u nahay in aan markiiba jawaab ka bixino,” ayuu yiri danjire Ameeriko.

Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya waxaa soo food saaray wal wal iyo cabsi ay ka qabaan in dhibaato uga timaado dadka Kenyaanka ah oo ay eheladooda wax ku noqdeen weerarkii Westgate madaama mas’uuliyada weerarkaas ay sheegteen Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com