Daawo: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo lLa Kulmay Gudoomiyaha Gobolka Istanbul Iyo Ardayda Soomaaliyeed Ee Wax Ka Barata Turkey.

0

IMG_1118Istanbul, September 30, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga, jaaliyadda Soomaalida, gudoomiyaha gobolka Istanbul Mudane Huseyin Avni Mulu iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay kulan dheer la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarshada u jooga dalka Turkiga, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu kula dardaarmay ardaydan in ay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee dalka Turkiga ay ku haystaan isla markaana ay dhowraan sharafta dalka. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu ardayda uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii uga qabsoomay socdaalka halkan uu ku joogo, waxaana uu ammaanay doorka dawladda turkiga ee dib u dhiska dalka.

“Waxaan u aqoonsanay 19, August 2011 maalinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ardayda waxaa laga doonayaa in ay sanad kasta u dabaal dagaan maalintaasi oo ku beegan markii Ra’iisul Wasaaraha Turkigu uu booqday  dalka Soomaaliya xilli aad loogu baahnaa gurmadka caalamka, sidoo kale waxaa ay miisaaniyad-kabid ku sameeyeen dakhliga dawladda Soomaaliyeed ee shaqada aan ku wadno” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo marwadiisa Caasha Xaaji Cilmi ayaa ka qaybgalay casho casharaf ay si wadajir ah ugu sameeyeen magaaladda Stanbul gudoomiya gobolka Stanbul Mudane Huseyin Avni Mutlu iyo marwadiisa Mutlu.

Kulankan oo sidoo kale ay ka qaybgaleen wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dawladda Turkigu u kordhin lahayd mashaariicda kala duwan ee dalka ay fulinayaan sida amniga, ganacsiga, waxbarshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.Gudoomiyaha gobolka Istanbul waxaa uu balan qaaday in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dib u dhiska magaalada caasimadda ee Muqdisho iyo guud ahaan gobolada Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay duqa Stanbul iyo qaar kamid ah ganacsatada dalka Turkiga iyadoo laga dooday iskaashiyo kor loogu qaadayo ganacsiga iyo maalgalinta dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burburkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay.

IMG_1118 IMG_1112 IMG_1089 (2)

pihoto photo

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya
Istanbul – Turkey

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com