Daawo: Gudoomiyha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Oo Kulan Qado Ah La Qaatay Waxagarad Siyaasiin Ka Soo Jeeda Gobolka Gedo.

0

IMG_20130930_131807Muqdisho (AGGM): kulankaan oo ah mid xog wareysi ayaa waxaa ka soo qeybgalay  siyaasiin waxagardka beesha sadde xildhibaandii horre ee beesha ee joogo magalaada Muqdisho kulanka ayaa waxaa soo qababan qaabiyay
gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxmed Cabdi Kaliil oo dhawaanahaa joogay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy waxuuna baaq u diray dhamaan beesha Sadde dal iyo dibadba in ay soo afjaraan khilaafka u dhexeeyo isla markaana ay ka wadda shaqeyaan midnimada beesha iyo tan ummada Soomaaliyeed.

Ugaaska ayaa sheegay in maanta ay tahay waxa laga xumaado in beesha Sade ay san laheyn hogaan  dhanqan oo mideysan waxuuna sheegay in Qaar ay jogaan Kismaanyo kuwa kalen ay xamar joogaan  waxuun ku baaqay shir deg deg ah oo ay beesha yeelato.

Sidoo kale ex xilldhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka mid ahaa dadkii goobta ka hadalay  waxuu waxa laga xumaado ku tilmaamay in shaqsiyaad aan matalin beesha Sade maalin kasto ay taagan yahiin meel aan munaasab aheyn waa sida uu hadlka u dhigay  waxuu yirri war ilaah kaga towbad keenA maalin kasto ayadoo cida  idin dirsatay ayasan jirin  ayaa raadisaan qado meel meedka.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha gobolka  Gedo Maxmed Cabdi Kaliil ayaa ka Warbixiyay safarkii uu ku tagay Brusselles waxuu uu sheegay in ay u tahay guul weyn shacabka  Gobolka Gedo iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed lagana gudbay xilligii xumaa ee la soo maray Gudoomiyahay ayaa sheegay in shirkaasi looga hadalay dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo sidii hormar loo
gaarsiin lahaa dalkan ay colaadaha la degeyn.

Waxuun qiray in guul uu ku soo dhamaaday balan Qaad badan ay soo Galeyn ganacsto iyo dalalka Deeqa bixiyeyaasha.

Sidoo kale waxuu ka warbixiyay kulan uu si Qaas ah ula qaatay Jaaliyad dibadda ee gobolka Gedo Gaar ahaan Yurub waxaan la kulamay Qurba Joogta Gedo waxaana u sheegay in ay maal gashi ku sameystaan Gobolkooda  dhawaana aan Dhamaan Gacanta ku Qaban doono inta ka dhiman gobolka islamrkaana Amaankana aan sugi Doono ayuu yiri Gudoomiye Kaliil.

Isku soo wada duuboo kulankaan ayaa waxuu uu yahay kii ugu balaarnaa ee looga hadalo xaalada Gobolka Gedo oo Qaar ka mid ah Degmooyinka wali ay ku Harsanyahiin kooxda Al shabaab.

IMG_20130930_133116 IMG_20130930_133052 IMG_20130930_131807 IMG_20130930_125828 IMG_20130930_125828_1 IMG_20130930_125802 IMG_20130930_125758 IMG_20130930_122243

IMG_20130930_134055 IMG_20130930_133952 IMG_20130930_133917 IMG_20130930_133828 IMG_20130930_133218

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com