Ciidamo Maleeshiyaadka Raaskambooni Ka Tirsan Oo Caawa Lagu Laayey Kismaayo

0

KismaayoIIKismaayo(AGGM) Ciidamo ka tirsan maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa in caawa lagu weeraray  Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose,waxaana la xaqiijinaya in weerarkaasi sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray Maleeshiyaadka ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni oo gaari saarnaa.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in qarax Bambaano lagu weeraray xili ay marayeen inta u dhaxeysa Farasiyoonkii leegadda & Saldhiga Magaalada Kismaayo,waxaana qaraxaasi lala beegsaday gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Maleeshiyadka Raaskambooni,waxaana la xaqiijiyaan inay weerarkaasi ku geeriyoodeen 3 askari iyadoo dhaawacyo culusi soo gaareen 5 askari oo kale kuwaasi oo lagu daaweynayo isbitaalka ciidamada Amisom ee ku taal Garoonka diyaaradaha kismaayo.

Weerarkan oo ahaa bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa la sheegayaa inaysan jirin cid loo soo qabqabtay isla markaasna ay baxsadeen kooxihii qaraxaasi fuliyey oo la aaminsan yahay inay ka tirsanaayeen Maleeshiyaadka Alshabab ee dagaalada ka wada gudaha Soomaaliya: Weerarkan ayaa ah mid daba socda weerarada Alshabaab ku soo qaadaan farisiimaha ciidamada kiiniya iyo kuwa Maleeshiyadka Raaskambooni ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii wararka qaar ayaa tibaaxaya in maleeshiyaadka Raaskambooni ay dad shacab ah ka qab qabsadeen guryahooda isla markaasna u kaxaysteen xabsiga  Magaalada Kismaayo oo ay ku haystaan dad badan oo aan waxba galabsan,waxaana wararku sheegayaan in qaarkood jirdil loogu geystey guryahooda intii aan la kaxaysan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com