Ciidamada Amaanka Soomaaliland Oo Xabsiga Dhigay Wadaad Soo Dhaweeyay Weerarkii Westgate Mall We Magaalada Nairobi.

0

xabsiHargeysa (AGGM); Ciidamada ammniga maamulka Soomaaliland ayaa xirray hogaamiyaha urur diimeed kol hore looga dhawaaqay magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Hisbullaahi Sheeh Max’ed C/llaahi Geelle

Ciidamada ayaa la sheegay in xili habeenimo ah wadaadka gurigiisa ugu galleen, oo ah Hogaamiyaha Xisbullaahi, iyaga oo xabsiga dhigay, islamarkaana la weydiinayo su’aalo la xiriira sababta keentay in uu taageero weerarka ka dhacay Nairobi.

Sheekh Geelle  ayaa dhawaan si cad u taageeray weerarkii Westgate ee todobaadkii hore ay ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaasoo xarunta gudaheeda ku dilay dad ka badan lixdan ruux.

Waxaa uu sheegay in kooxda Al-shabaab weerarkaa ku saxnaayeenaaasla markaana lagu soo duulay,isaga oo xusay in marnaba uusan ka laaban doonin xitaa haddii la xiro aragtiisa ku aadan weerarka.

Maamulka Soomaaliland ayaa haddan siweyn uga shakisan wadaadkan oo ay la aamisan yahay in uu xiriir wanaagsan la leeyahay kooxda Al-shabaab, madaama uu horay uga dhawaaqay magaalada Hargeysan urur diimeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com