Sirdoonka Britain Oo Raadinaya 60 Qof Oo Somali Al shabaab Looga Shakiyey Oo Ingiriiska Ku Sugan

0

slider_flights_london-bridgeLondon(AGGM)Sirdoonka dalka Biriten MI5 ayaa sheegay in gudaha waddankasi ay ka baadi gobayaan ku dhawad 60-qof oo Soomaali ah kuwasi oo xiriir dhow la leh kooxda Al-shabab.Kuwaaso oo sirdoonka dalka Britain shaaciyeen inay xiriiro dhaw la leeyihiin kooxda Alqaacidada soomaaliya ee Alshabaab isla markaasna xasuuqa iyo dhibaatada ka wada gudaha iyo dibedda dalka soomaaliya.

Saraakil u hadashay wasarada arimaha dibada dalka Biriten ayaa shegay iyagoo warbahinta la hadlay in ay jiraan liis cusub ay sirdoonka soo saaren oo ay ku sheegayaan tiro Soomalai jihad doon ah oo shirqoolo ku maleegaya gudaha wadankasi. Sirdoonku waxay daaha ka qaadeen inay hayaan cadeymo muujinaya in kooxdaasi ay ku sugan yihiin wadanka Britain.

MI5 waxa ay sheegtay in horey liiska ay ugu jireen 40-qof oo Soomaali ah balse hada lagu soo biiriyay 20-kale. Baadi goobka shaqsiyaadkasi ayay tilmaamen inuu ka soconayo gudaha wadanka Biritain,waxaana dawladda Britain sheegtey inay ku raad joogaan dadkaasi isla markaasna ay gacan ku soo dhigi doonaan waqtiga ugu haboon.

Ugu dambeyntii dowlada wadanka Biriten waxa ay ka walac san tahay muwadinin kasoo jeda wadankasi oo xarakada Al-shabab ka bar bar dagalaya.Waxaana talaabadan imaanaysaa xilli dhawaan Magaalada Magaalada Nairobi ay ka dhaceen weeraro culus oo la sheegay inay fuliyeen kooxda Alshabaab kuwaasi oo qaarkood haysteen dhalasho wadamada Britain iyo America.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com