Dhageyso: Raskambooni Oo Shacab Ku Dishay Kismaayo Kana Hadlaya Arrimahaasi

0

ciidamada1Kismaayo(AGGM) Maleeshiyaadka Jabhada Raaskambooni ayaa maanta si bareer ah gudaha magaalada Kismaayo ugu dilay nin shacab ah oo ah dadka degaanka soo jeeda isla markaasna markii ay dileen Maydkiisa soo dhigey guri uu ka degaana Magaalada Kismaayo gudaheeda,waxaana la sheegayaa inay dhawr ruux oo kale ku dhaawaceen isla magaalada Kisamayo maanta.

Mid ka mid ah Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni Haaruun Macalin Cumar ee asalkoodu ka soo jeedo Argagixisada Calamiga ee Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday inay hawlgallo ka fuliyeen magaalada Kismaayo isla markaasna ku tilmaamay in hawlgaladaasi ahaayeen kuwo amaanka wax looga qabanayo taasi oo micnaheedu yahay inay shacabka dilaan.

Sidoo kale waxaa ninkan u hadlaya Jabhada Raaskambooni ka hadlayaa arrimo badan oo kooxda Raaskambooni ka fuliyaan magaalada kismaayo isagoo beeninaya inay sii dayaan kooxaha dhibta u geysta shacabka Magaalada Kismaayo ee ciidamada ka soo tirsan marka arrimahaasi loo soo qabto,waxaana uu sheegayaa inaysan arrimahasi waxba ka jirin.

Dilkan maanta ninka rayidka ah loogu geystey Magaalada Kismaayo ayaa qayb ka ah dilal qorsheysan oo maalmaha ka dhacayey Magaalada Kismaayo kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo beelaha soomaaliyeed ee ka soo horjeeda ficiladda Foosha ee Jabhadd Raaskambooni ka fulinayaan Magaalada Kismaayo,waxaana  48 saac ee la soo dhaafay kismaayo ku dhintey in ka badan 8 ruux oo shacab ah.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Taliye-ku-xigeenka-Hay%C3%A1dda-Nabad-sugida-Kismaayo-Haaruun-Macalin-Cumar.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Ugu dambeynti Ninkan lagu magacaabo Haaruum Macalin Cumar ee ah Taliyaha Nabad Sugida Raaskambooni waxaa uu asalkkisi hore ahaa Kooxda Alshabaab isla markaasna xil muhiim ka soo qabtey kooxdii Xisbul Islaam hadana waxa uu ka mid yahay Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni ee gacan saarka la leh Alshabab.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com