C/xakiin Fiqi ” Al-shabaab Waxaa Looga Guleysan Karaa In La Maal-galiyo Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya”.

0

FiqiMuqdisho (AGGM): Wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa sheegay ayaa sheegay in wadada kaliya ee loo adkaan karo Al-shabaab tahay dib  u dhis lagu sameeyo ciidamada qalabka sida Soomaaliyeed, madaama ayuu yiri ciidamada xoogga dalka siweyn u garanayaan taatiika iyo waliba istiraatijiyada kooxda ay ku dagaallanto.

Waxaa uu sheegay wasiirka in dowladdiisa ay marnaba dooneynin  diyaaraha dagaalka iyo sawaariiqda waaweyn balse ay u baahan yihiin hub ay kula dagaalamaan Al-shabaab,wuxuuna ka dhawaajiyey in cududa ciidanka Soomaaliyeed ay ku tiirsan tahay qoriga AK-47 oo uu sheegay inuusan ku fileen dagaal lagu ciribtiro Al-shabaab.

Wasiirka ayaa caalamka ka dalbaday in ay  u soo jeestaan sidii Al-shabaab looga tirtiri lahaa dunida,wuxuuna hoosta ka xariiqay in sida kaliya ee Al-shabaab looga adkaan karo iney tahay dhisidda cududa ciidanka qaranka  Soomaaliyeed,wuxuuna shaaciyey iney caalamku marqaati ka yihiin in qatarta Al-shabaab ay ka baaxad weyn tahay sida la moodayo ayna u baahan tahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xili ergeyga QM Nicholas Kay uu caalamka ka dalbaday in dowladda lagu gacan siiyo sidii Al-shabaab loo adkaan lahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com