Qaramada Midoobay Iyo Midowga Afrika Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Xoojindoonaan La Dagaalanka Argagixisada

0

UN-LOGO-20London(AGGM) Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday iney si wadajir ah u xoojin doonaan dagaalka lagu soo afjarayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Danjiraha Qaramad Midoobay u Fadhiya Soomaaliya Niclos Kay oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gineva ee dalka Swezirland ayaa caddeeyay mowqifka Qaramada Midoobay ee ku aadan la dagaalanka argagixisada Shabaab, wuxuuna Danjiruhu muujiyay sida Qaramada Midoobay haatan ay diyaar ugu tahay xoojinta la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika ee Shabaab.

Sidoo kale Danjiraha ayaa ka dalbaday beesha caalamka in la sii laba laabo dadaalka loogu jiro la dagaalanka argagixisada caalamka gaar ahaan kooxda Shabaab, isagoo intaa ku daray inaan loo dulqaadandoonin ficilada guracan ee kooxda Alshabaab.

Dhanka kale Midowga Afrika ayaa isna hadal kaa la mid ah ka soo saaray falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Nairobi oo ay sheegeen iney tahay wax laga xumaado.

Ku xigeenka gudoomiyaha gudiga fulinta ee Midowga Afrika Eristes Mwanja  ayaa warbaahinta u sheegay in Midowga Afrika ay ka go’antahay joogteeynta la dagaalanka argagixisada.

Hadalka isku mid ah ee ka soo yeeray Qaramada Midogay iyo Midowga Afrika ayaa imaanaya xilli kooxda Shabaab ay sheegatay mas’uuliyada weerarkii ka dhacay dhismaha ganacsiga Westgate ee magaalada Nairoobi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com