Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Dib U Eegaysa Qorsheyaashii U Hirgalay 3 Biloodkii Ugu Dambeeyay

0

Wasiirka-Dib-u-dejinta3Hargeysa(AGGM) Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta qabatay shir joogto ah oo sadexdii biloodba mar ay dib u eegis ku samayso waxyaabihii uga hirgalay qorshe hawleedkeeda.

Kulankan oo ay oo socon doona muddo laba maalmood ah ayna ka qayb qaadanayaan 60 xubnood oo ka kala yimid wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha ka qayb qaata adeegyada caafimaad ee sadex biloodka ah oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta wasaaradda sida Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye), Agaasimaha guud ee wasaaaradaas Md Cismaan Maxamed iyo agaasimaha qorshaynta Khadar Axmed.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed oo furitaankii shirkaas ka hadlay ayaa caddeeyey in wasaarad ahaan qorshaheedu yahay in adeegyada caafimaad ee bulshada loo qabanayo ay dabo socdaan isla xisaabtan iyo qiimayn, waxana uu kula dardaarmay ka qayb galayaasha inay mudada kooban ee uu kulan hawleedku socdo ay iskaashi iyo wada shaqayn muujiyaan si looga midho dhaliyo ujeedadii kulanka.
Agaasimaha guud ee wasaaaradaas md Cismaan Maxamed ayaa isna hadal kooban oo uu madashaas ka jeediyey waxa uu faahfaahiyey wada shaqaynta ay wasaaradda caafimaadku la leedahay hay’adaha caafimaadka la shaqeeya, waxana uu ku tilmaamay wada shaqayntaasi inay tahay mid baahiyaha caafimaad ee dalka lagu daboolo.

Agaasimaha qorshaynta Khadar Axmed ayaa isna kulankaa ka sharaxay waxyaabahii wasaaradda u qabsoomay mudadii lixda bilood ahayd ee u dambaysay iyo waxyaabahii aan u qabsoomin.

Waxaa kaloo halka ka hadlay as’uuliyiin ka kala socday hay’adaha UNFPA, WHO oo iyaguna ku hadlayey magaca hay’adaha ka qayb qaata adeegyada caafimaadka waxana ay sheegeen in wada shaqaynta ay wasaaradda caafimaadka la leeyihiin ay tahay mid wanaagsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com