War Deg Deg Ah: Uhuru Kenyatta Oo Shaaciyey In La Soo Afjaray Hawlgalkii West Gate

0

Uhuru-KenyattaNairobi:(AGGM) Madaxweynaha Dawlada Kiiniya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in la soo afmeeray hawlgalkii ka socday West gate Nairobi,waxaana uu sheegay in ciidamada dawladiisa oo gacan ka helayaa kuwo kale ay soo afmareen hawlgalkii ka socday Xaruntaasi,waxaana uu sheegay inay dileen 5 ka mid ah kooxdii Argagixisada ahayd.

Madaxweyne Uhuru waxa uu daboolka ka qaaday in Ciidamadiisu soo badbaadiyeen dhamaan dadkii loo haystey afduubka,waxaana uu sheegay in ciidamadiisu hadda gacanta ku hayaan xaalada amaanka degaanka West Gate,waxaana uu sheegay in hawgalkaasi uu qaatay dhawr maalmood.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada amaanka Magaalada Nairobi ay gacanta ku dhigeen in ka badan 11 ruux kuwaasi oo la aaminsan yahay inay gacan siiyeen kooxda weerarka geystey amase ay ku lug leeyihiin,waxaana uu shaaciyey in dadkaasi ciidamada amaanku gacanta ku hayaan isla markaasna su,aalo waydiinayaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan soo bilaabmay sabtidii lagu dilay 61 ruux oo shacab u badan iyo 3 sarkaal,waxaana uu sheegay inay weerarkaasi ku dhaawacmeen dadweyne aad u tiro badan oo darejo kasta leh,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in dadka dhaawaca ah loo gargaaro isagoo sidoo kale u mahadnaqay dadweyne badan oo gargaar ugu deeqay dadka dhaawacmay.

Dhinaca kale Madaxweynaaha dawlada kiiniya  muusan sheegin meeshii ay ku dambeeyeen kooxda weerarka soo qaaday ee Afduubka dadka shacabka ah u haystay,balse waxaa uu sheegay inay dileen 5 ruux isagoo sheegay inay soo afjareen hawlgallkii iyadoo aan la ogeyn meesha ay ku dambeyeen kooxdii dadkaasi afduubka u haystay.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in hawlgalkaasi soo dhamaaday isla markaasna loo baahan yahay inay dadku isdejiyaan xaaladana hoos loo dhigo oo aan la buunbuunin. Dhinaca kale ma jiraan wax wara oo ka soo baxay Alshabaab ku aadan hawlgalan la soo afjaray.