Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeyey dilka Xildhibaan Xuseen C/Salaam…WARSAXAAFADEED

0

MadaxweynahaOhio(AGGM)Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey dilkii caawa magaaladda Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Xuseen C/Salaan oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda  Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday  Allaah naxariisee Marxuum   Xuseen C/Salaam” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaah haka waraabiyo Marxuum Xuseen C/Salaam, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynahu.

“ Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dowladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu  dambeyntii Madaxweynaha ayaa  sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna  ku amray ciidamadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com