Daawo:Faroole Oo Cadho Kula Dul-Dhacay Universal Tv, Albaabadana U Laabay,Shirkii New Deal Dartiis.

0

Universal-TVGaroowe(AGGM) Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Mudane Axmed Shiikh oo ka hadlay xiritaan uu ku sameeyey Tv-ga Calamiga ah ee Universal ayaa sheegay in TV-gaas loo xiray arrimo la xiriiira Shirkii Deal ee Magaalada Brussels lagu qabtay,waxaana u sheegay inuu amarka lagu xirey Tv-gaas uu ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Wasiirku waxaa uu sheegay in TV-ga Universal uu si xun ula dhaqmay Weftigii dawlada federaalka ah ee ku sugnaa Shirkii Brussels,waxaana uu sheegay inuu TV-guu Masuul ka ahaa inaan la sii deyn khudbada Madaxweyne Faroole,waxaana uu sheegay in sabaabtaas tv-ga Albaabada loogu laabay.

Sidoo kale waxaa uu Wasiirku sheegay inaan khubadkii la duubay ee marki shirku soo dhamaaday warbaahinta soomaalida loo qaybiyey uusan TV-ga Universal uusan sii deyn isla markaasna ay sabab u tahay in la xiro xafisyaddii uu ku lahaa Magaalooyinka Puntland,waxaana uu sheegay inaan dib loo furi doonin ilaa amar dambe.

Sidoo kale shirkaas waxa uu ahaa mid uu ku fashilmay Madaxweyne Faroole markaasna khubad u jeediyey looga duubay Telefoonka gacanta taasi oo u xaqiijineysa inaan faroole Qalab casri ah looga duubin Khubadii u jeediyey isla markaasna laga wada jeediyey dhamaan qalabkii warbixinaha iyo khudbadaha duubayey,waxaadna filimkaasi ka dheehen kartaas qaabka tayadisu tahay.

Ugu dambeyntii Faroole ayaa cadho iyo xanaaq kula dul dhacay tv-ga Universal isla markaasna ku armay in xafiisyadisa ku yaala degaanada Puntland albaabada loo laabo,waxaana taasi ku cadaynaysaa fool xumadda uu faroole kala kulmay shirkii Brussels iyadoo uusan ka hadlin arrimahaasi intii shirku soo dhamaaday.

Daawo Khudbadiisii Mobile Looga Duubay

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com