Gabar Nigerian Ah Oo Ku Guuleeysatay Tartanka Haweenka Muslimiinta.

0

qurux-muslim_1Jakarta (AGGM): Gabar reer Nigeria oo 21-jir ah ayaa ku guuleysatay tartanka quruxda gabdhaha Muslimiinta Aduunka ee sanadkan lagu qabtay magaalada Jakarta ee dalka Indonesia, iyadoo tartankan ay ka soo qeyb galeen ilaa shan boqol oo hablood ka socday dalalka Islaamka.

Obabiyi Aishah Ajibola ayaa noqotay gabadha ku guuleystay tartanka ee ka socotay dalka Nigeria, waxaana markii lagu dhawaaqay gaba gabadii xaflada iyo go’aankii tartanka ayaa markii magaceeda la sheegay ay farxad la ilmeysay, iyadoo aayado khuraan aqrisay.

Ms Obabiyi Aishah Ajibola ayaa sheegtray in aanay waligeed ku riyoon in tartanka quruxda hablaha Muslimiinka inay ku guuleysaneyso.

Tartankan ayaa waxaa isugu soo haray ilaa 20-gabdhood oo ahaa xulkii ugu dambeeyay oo laga soo xulay ilaa 500 gabdhood oo tartankan markiisa hore ka qeyb qaadanayay, waxaana gabdhaha loo eegayay dhaqanka diinta Islaamka, xaga quruxda, naxariista, kartida iyo kaalinta haweeneyda Muslimiinka.

Gabdhaha ayaa ahaa kuwo asturan, waxaana tartankan uu lid ku ahaa tartanka quruxda Aduunka iyo kuwa Fashion-ka ee Hablaha ay aad u qaawan yihiin, cowradooda la arko.

Obabiyi Aishah ayaa ku dhalatay magaalada Lagos ee dalka Nigeria, waxay Jaamacad ku taal magaaladaas ka barataa Culuunta qorsheynta magaalooyinka iyo horumarinta gobolada.

Indonesia waa dalka muslimka ugu badani uu ku dhaqan yahay adduunka. Tartanka quruxda adduunka oo isna lagu qabanayo isla dalka Indonesia bishan 28-da, waxa haatan loo wareejiyey magaalada Bali oo dadka Hinduugu u badan yahay ka dib markii cabashooyin iyo mucaaradad weyni ay kaga timid dadweynaha muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalo-madaxda Jakarta oo iyagu ka soo horjeeda dhaqanka noocan ah guud ahaan.

qurux-muslim_1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com