Dhageyso: Banaan Bax Ka Dhan Ah Axmed Madoobe & Shirka Brussels

0

banaanbax-jowhar-17Muqdisho(AGGM) Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay waxaa maanta ka dhacay mudahaarad balaaran oo looga soo horjeedo Shirka ka socda Brussels iyo Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni,waxaana banaanbaxaasi soo qaban qaabiyey waxgaradka Magaalada Baydhabo oo sheegey inaysan aqbalayn go,aanka ka soo baxa Shirka Brussels.

Sidoo kale Banaan baxayaashan waxay mudahaaradkooda ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan Jabhadda Raaskambooni,waxaana ay sheegeen in jabhadda Raaskambooni iyo hogaankooda Axmed Madoobe ay dhibaato baahsan ku hayaan shacabka Magaalada Kismaayo,waxaana ay cod dheer ku sheegeen inaysan aqbali doonin Maamul uu hogaan u yahay Axmed madoobe.

Banaanbaxan waxaa hogaaminayey Malaaq Cali Cabdiraxmaan (Cali shiino) waxaana uu daboolka ka qaaday in Maamulka Axmed Madoobe uusan ka sii talin doonin gobollada Jubooyinka isla markaasna uusan u dhalan soomaliya,waxaana uu shaaciyey in banaan baxan sidoo kale looga soo horjeedo go,aan kasta oo ka soo baxa Shirka Brussels.

Ugu dambeyntii Maamulka Gobolka Bay ayaa hore uga soo horjeestey dawlada federaalka ah isla markaasna u diiday inay gudaha u soo galaan magaalada Baydhabo iyagoo kana masaafuriyey Magaalada Baydhabo masuuliyiin dawlada ka tirsan,waxaana arrintaasi timid markii dawladu maamulka Axmed Madoobe kulamo la yeelatey.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-BANAANBAX-SHIRKA-BRESSULS-IYO-AXMED-MADOOBE-LAGAGA-SOO-HORJEEDO.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com