Dhageyso: Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Ee Waamo Oo Ka Hadlay Dilkii Marxuum Suldaan Gama’adiid Nuur Siyaad Colaad Iyo Qaabki Uu U Dhacay.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Waamo Suldaan Naaleeye Xuseen Xasan ayaa waxa auu ka hadlay dilki waxuushnimada ahaa ee maanta loo geeystay Allaha u Naxariistee Marxuum Suldaan Gama’adiid Nuur Siyaad Colaad.

Suldaan Naaleeye ayaa waxa kale oo uu ka warbixiyay qaabki loo dilay iyo cidii ka dambeeysay dilka Allaha u Naxariistee Marxuum Suldaan Gama’adiid Nuur Siyaad Colaad.

Dhinaca kale isaga oo sii wata Suldaan Naaleeye hadalkiisa ayaa waxa uu ka warbxiyay marxaladihi 10-kii bilood ee la soo dhaafay ay soo martay magaalada Kismaayo iyo dhacdooyinki ka dhacay.

Isku soo wada duuboo waxaa xaqiiqa waxa ka socda magaalada Kismaayo in aan indhaha laga daboolan karin, waloow weli ay dadka qaarkii ku jiraan Qiyaali iyaga oo u heeysta waxa laga hadlayo amaba laga soo sheegayo magaalada Kismaayo inaysan ahayn xaqiiqo amaba wax ka dhici kara dhul Soomaaliyeed ama ay ku kici karaan dad sheeganaya inay yihiin Soomaali, balse sida aan rajeenayno maalin kale ayay garan doonaan.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_036.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com